XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Calaamadood oo aad ku garan kartid marka ninka jacaylka uu ka been sheegayo

Jacaylka waa dareenka ugu wanaagsan ee nolosha. Helitaanka nin wanaagsan waa rabitaanka haweeney kasta.

Mararka qaar waa dhaawac inaad jeclaato  qof aanan ku daneyneyn. Waxa ugu xun ee aad waligaa gaari karto ayaa ah in qofka aad jeceshahay uusan jacaylka aad u qabto mid lamid ah kuu qabin.

Waa kuwaan 3 calaamadood oo halis oo ku tusaya in ninka uu jacaylka ka been sheegayo.

  1. Taleefanka ayuu kaa qariyaa

Ninka kaa ilaaliya taleefankiisa uma qalmo waqtigaaga. Waxaa jira waxyaabo uu kaa qarinayo. Ninka wanaagsan kaama qariyo sirtiisa. Waa mid had iyo jeer kula wadaagi doona wax kasta oo quseeya noloshiisa oo ay kamidyihiin waxyaabihiisa gaarka ah.

Waa mid ku faraxsan inaad agtiisa joogtid waqti kasta.

  1. Marnaba ballamaha ma ilaaliyo

Helitaanka nin ballanta ilaaliya ma sahlana. Ragga badankood been ayay u sheegaan haweenka. Waxay iska dhigaan kuwo aaminsan jacaylka balse xaqiiqda ayaa ah mid taas ka duwan.

Ninka wuxuu u baahanyahay inaad daacad ahaado mar kasta haddii aad rabtid inaad hesho farxad.

  1. Kuuma soo bandhigo saaxiibadiis iyo qoyskiisa

Qaar yar oo kamid ah ragga ayaa raba in qofka ay jecelyihiin isla markaana uu xiriirka ka dhexeeyo la ogaado. Ninka aanan marnabaq daneyn inuu kuusoo bandhigo saaxiibadiis iyo qosykiisa uma qalmo jacaylkaaga. Waxaad u qalantaa nin wanaagsan inaad xiriir la yeelan lahayd nin qiyaanoole ah.

Related Articles

Back to top button