Home XIRIIRKA IYO GUURKA 4 Calaamadood oo muujinaya inaa tahay Lamaane wanaagsan

4 Calaamadood oo muujinaya inaa tahay Lamaane wanaagsan

0

Dadka qaarkood uma qalmaan in looggu yeero lamaane wanaagsan inkastoo iyaga ay isku arkaan inay yihiin lamaane wanaagsan.

Waa kuwaan calaamadaha lagu garto inaad si dhab ah u tahay lamaane wanaagsan.

  1. Dadaal walbaa galisaa guurkaaga

Lamaane kasta oo u wanaagsan guurka waa kan dadaalka ugu adag ku bixiya in guurkiisa uu guuleysto.

Ma noqon kartid lamaane wanaagsan haddii aadan dadaal walba ku bixin guusha guurkaaga. Inaad dadaal walba ku bixiso xiriirkaaga si uu shaqeeyo mar waliba waa waxa kaa dhigaya ama keenaya in laguugu yeero lamaane wanaagsan.

  1. Waxaad isku daydaa inaad ka shaqeyso cilladahaaga

Qof kasta oo bini aadam ah cillado ayuu leeyahay, qaarkood cillado waaweyn ayay leeyihiin, Qaar waxay leeyihiin cillado yaryar. Waxa qofka ka dhiga lamaane wanaagsan ayaa ah inuu si joogta ah uga shaqeeyo cilladihiisa si uu unoqdo lamaane wanaagsan intii mar kasta uu sameyn lahaa qaladaad.

  1. Waxaad lamaankaaga dareensiisaa inaad jeceshahay

Inaad lamaankaaga/lamaantaada dareensiiso  jacayl waa waxa xiriirka dhan uu ku dhisanyahay isla markaana uu sameeyo lamaankaaga wanaagsan.

  1. Inaad ku taageerto xaalad walba

Si aad u noqoto lamaane guurka u wanaagsan, waa inaad noqotaa qofka koowaad ee taageera xaaskiisa/seygeeda.

Waa inaad garab istaagtaa lamaanahaaga waqti kasta isla markaana aad noqotaa mid u heelan xaalad kasta.

Dadka qaarkood way ka niyad jabaan lamaanhooda marka dhib uu soo wajaho halka kuwa kale ay siiyaan taageero weyn.

Previous article3 Calaamadood oo aad ku garan kartid marka ninka jacaylka uu ka been sheegayo
Next articleMan sheds more than 3st and gains a six pack in 7 months with this weight loss plan