XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Waxyaabood oo ay tahay inaad sameyso si xiriirka u guuleysto (Lambarka 1-aad Waa Muhiim)

Waa inaad isku diyaarisaa xalinta dhowr waxyaabood haddii aad rabtid in guurkaaga uu noqdo mid waara.

Waa kuwaan 3 waxyaabood oo laamanaha ay u baahanyihiin inay sameeyaan, si xiriirka u guuleysto.

  1. Xakameynta isku dhaca

Lamaanaha waa kuwo dagaalama ama isku dhaca. Qaabka aad u maareyso isku dhacyadaas ayaa muhiim ah.

Waxaad u baahantahay inaad qaab wanaagsan wax uga qabato waxyaabaha quseeya guurkaaga. xiriirku waa muhiim marka sidaad rabtay aysan wax u shaqeyn, la fadhiiso seygaaga ama xaaskaaga oo kala hadal dhammaan arrimaha sameynaya noloshiina jacaylka leh.

  1. Maareynta arrimaha dhaqaalaha ama lacagta

Dhibaatooyin lacagta waa kuwo maalmo ku burburin kara guurkaaga. Haddii kale waa inaad taqaanaa sida loo xaliyo arimahaas burburka ku keenaya guurkaaga.

Sidaa darteed, Haka qarin oo si daacad ah ugu sheeg lacag waliba oo ad heysato waqtiga ugu so horeeya adigo taa usameynaya xiriirka idinka dhaxeeya dartii si daacadnimo iyo kalsooni dhexdiina uga dhisanto.

Waad guul dareysaneysaa haddii aadan waqti wanaagsan ku xalin Karin arrimaha lacagta ee dhibaatada u keenaya guurkaaga.

  1. Maareynta galmada

Rabitaanka galmada ama raaxada waa lagu kala duwanaan karaa. Qaabka lamaantaada ay u rabto in wax loo sameeyo ayaa wiiqi karaan ama xoojin karaan arrimaha jacaylka.

Waa inaad ku heshiisaan qaabka howsha loo qabanayo kulanka sariirta iyadoo qof kasta uu eegayo rabitaanka qofka kale balse aanan eegeyn tiisa kaliya.

Related Articles

Back to top button