XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Sabab oo ay tahay inaad muranka uga ilaalisaan Xiriirkiina/Guurkiina

Guur kasta culeyskiisa ayuu wataa, labada lamaane inay wax kasta ku heshiiyaan mar kasta waa xaalad naadir ah.

Si,kastaba, muranada iyo isafaham la’aanta qaarkeed eek a jira xiriirada waa caruurnimo oo aanan micno ku dhisneyn isla markaana ay tahay inaan waxba laga soo qaadin.

Hoos ka aqri 4 sabab oo ay tahay inaad muranada uga ilaalisaan xiriirkiina.

  1. Wuxuu keenaa cadaawad

Haddii muranka uu ka bato xiriirka lamaanaha, cadaawadda ayaa xoogeysaneysa taasoo keeneysa in xiriirka uu burburo.

Muran waa mid xiriirka u keena qaraar, caro iyo shucuur kasta oo dilaya xiriirka. Marka lamaanaha waxaa looga baahanyahay inay ku dadaalaan in guurkooda ay ka ilaaliyaan muranka.

  1. Hadal xun

Tani waa wax kale uu muranku u keeni karo xiriirkaaga; carada ayaa waxaa ka dhalan kara dareen culus oo keenaya inaad dhahdo waxaadan dhihin rabin, wuxuu sidoo kale muranka kugu qasbi karaa inaad lamaantaada ku dhahdo waxyaabo aysan waligeed kuu cafineyn taasoo keeneysa in guurka uu halkaas ku burburo.

  1. Wuxuu dilaa isfahamka

Isfahamka waa waxa ugu muhiimsan xiriirka. Wadahadalka waa wadada ugu wanaagsan lamaanaha inteey murmi lahaayeen; marka lamaanaha ay wada hadlaan, waxay guurkooda ka ilaaliyeen muran iyo waxyaabo keeni lahaa inuu burburo, balse marka lamaanaha ay murmaan waxaa burburaya isfahamka xiriirka.

  1. Muranka wuxuu dhaliyaa Murano badan

Muran waxyar ayuu ka bilaawdaa haddii aanan wax laga qaban wuxuu sii xoogeystaa illaa jacaylkii isku bedelo nacayb, saaxiibtinimadii ay isku bedesho cadaawad, isfahamkii uu isku bedelo isfaham waa.

Haddii muranka aanan si wanaagsan loo xakameyn oo aanan waqti wanaagsan wax laga qaban, guurkaaga dhibaato ayaa soo gaareysa.

Related Articles

Back to top button