ARIMAHA BULSHADATEKNOLOJIYADA

5 Calaamadood Oo Lagu Ogaado In Facebook-gaaga La Jabsaday

Dadka Facebook-yada jabsada waa kuwo maalmahan ku badan internet-ka. Xittaa adiga kaliya oo yaqaana lambar sired-kaaga ama Password-kaaga waa kuwo mararka qaar jabsan kara bartaada Facebook.

Taasi waxay ka dhigantahay inay gacanta ku dhigayaan oo ay kaala wareegayaan bartaada ayagoo ku sameyn kara wax kasta oo ay doonaan.

Haddii aad ka shakiso in Facebook-gaaga la jabsaday, calaamadahaan iska ilaali.

  1. Codsiyo saaxiib oo aadan dirin

Ma heshaa ogeysiisyo ah in dad aadan codsiyo saaxiibtinimo u dirin ay kaa aqbaleen inaad saaxiib noqotaan? Markaas waxaad leedahay sabab aad ku shakiso.

  1. Qoraalo aadan dhigin

Waxaad malaha aragtay dad ka cabanaya inaysan waxba dhigin Facebook-gooda. Haddii qof uu jabsado bartaada Facebook-ga, wuxuu dhigayaa waxyaabo xun xun sida muuqaallada anshax-xumada taasoo keeneysa in saaxiibadaa ay la yaabaan waxa kugu dhacay iyagoo aaminsan inaad adiga dhigtay.

  1. Ma geli kartid

Hagaag, Waxaa laga yaabaa inaad hilmaamtay warbixinadii lagu galaayay ama aad tahay nooca dadka aanan muddo galin Facebook-gooda.

Balse haddii aad isticmaaleysay hal faah faahin isla markaana faah faahintaas ay tahay mid sax ah oo aad hubto ood walina gali la’dahay bartaada Facebook, waxaa qaldan. Qofka jabsaday Facebook-gaaga ayay suurtagal tahay inuu bedelay nambarkaagi sirta (password).

  1. Cabashada saaxiibadaa

Haddii saaxiibadaa ay ka cabanayaan in Facebook-gaaga looga soo dirayo fariimo qalad ah aad soo dhigeyso dabadeed Facebook-gaaga waa lagu jiraa mana ogid, bedel Lambar sireedka Password-ka).

  1. Goobo aadan aqoon ama aadan tagin oo laga galay

Facebook-ga wuxuu dabagalaa goobta aad ka gasho. Haddii qeybta amniga iyo gelitaanka Facebook-gaaga ay soo bandhigto meel aadan tagin ama cusub oo laga galay Facebook-gaaga, waxay ka dhigantahay in qof uu jabsaday Facebook-gaaga.

Si aad u nabad gasho, waxaa laguula talinayaa inaad Password-ka si joogta ah u bedesho.

© Aayaha

Related Articles

Back to top button