XIRIIRKA: 3 Siyaabood oo aad ku muujin karto inaad tahay qof aanan isla weyneyn

0

Inaad noqoto qofaan isla weyneyn marka ay noqoto xiriirka waxaybaao badan ayay u baahantahay.

Waa kuwaan 3 siyaabood oo lagu noqdo qofaan isla weyneyn.

  1. Isbar inaad aqbasho dhaleeceynta

Dadka qaarkood way ka xumaadaan marka la dhaleeceeyo. Way kasii darantahay marka lamaanahaaga uu ku dhaleeceeyo.

Si,kastaba, Lamaanaha waa inay isbaraan inay aqbalaan dhaleeceynta maadaama ay kaa dhigeyso qof wanaagsan.

Mar kasta ku dadaal inaad qof wanaagsan noqoto adigoo ka shaqeynaya ciladahaaga.

  1. Si weyn u qiimeey lamaanahaaga

Xiriir kasta wuxuu wajahaa ama la kulmaa caqabado sidaa darteed culeys kasta ama caqabad kasta oo timaada waa in mid kasta uusan iloobin qiimaha lamaanihiisa.

Mar kasta noqo qof ku mahdiya heysashada lamaanihiisa.

  1. Qaado qaladaadkaaga

Ma jiro qofaan qalad galin, qof kasta waa mid qaladaad gala. Marka taas ay dhacdo waxaa lagaa rabaa inaad aqbasho oo dusha aad saarato qaladaadkaaga.

In qofka uu qaladkiisa qaato ayaa bedeli karta kana dhigi karta qof wanaagsan.