3 Talo Oo Ay Tahay Inaad Qaadato Marka Gabar Ay Ku Diido Kadib

Waa xanuun marka qofaad u jeceshahay uu ku yiraahdo maya kuma rabo. Waxaad u baahantahay inaad barato sida loo xakameeyo xaaladaha noocaas ah ee noloshaada soo wajaha sababtoo ah diidmada waa wax guud oo iska caadi ah.

Waa kuwaan 3 talo oo ay tahay inaad qaadato marka haweeneyda ay ku diido kadib.

  1. Ogoow inaan laguugu talagalin

Waxaa jira dhowr sababood oo keeni kara inay haweeneyda ku diido. Waa iska caadi inaad murugooto marka haweeney ay kuu sheegto inaysan rabin inay xiriir kula yeelato.

Si,kastaba, waa muhiim inaad aqbasho xaqiiqda ah in wax ay shaqeyn waayeen isla markaana aad noloshaada wadato. Xasuuso mar kasta inuu jiro qof loogu talagalay qof kasta.

  1. Ha caaytamin/aflagaado

Ragga qaarkood waa kuwo caaytama marka gabadha ay diido. Aflagaadeynta haweeney waa wax aad u xun. Ixtiraam go’aankeeda ay kugu diiday oo raadso qof kale oo ku raba.

Waxaad u qalantaa inaad hesho jacayl dhab ah, haddii aad aflagaadeysana waxba kama bedeleyso xaaladda iyo inay ku diiday oo micnaha aflagaado kuuma soo jeedineyso.

  1. Ka fogoow

U dhowaanshaha qof ku diiday waxay kugu reebeysaa xanuun. Ka fogoow sidaa darteed ma shalaayneysid.

Waxaad u baahantahay haweeney ku fahamta oo si wanaagsan kuula dhaqanta waqti kasta.

Related Articles

Back to top button