XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Waxyaabood oo sabab u ah inay gabadha ku nacdo

Mala yaabaneyd sababta sida deg dega ah ay wax iskugu bedeleen? Si daran ayay kuu jecleyd balse taasi meesha wayka baxday.

Mar kasta waxay rabtay inay kula joogto balse si buuxda ayay kuu nacday.

Waa kuwaan 3 sababood oo ay gabadha kuu nacday.

  1. Qiyaano

Haddii aad bilaawdo inaad qiyaanto isla markaana ay ogaato taas, kuulama dhaqmi doonto sidii ay horey kuugula dhaqmi jirtay sababta ayaa ah waxay dareemeysaa inaysan mudnaan ku lahayn noloshaada. Waa inaad isku daydaa inaad daacad noqoto si aad ugu hanato qalbigeeda.

  1. Isbedel

Wali ma di wadaa damaashaad waqtiyada jimcaha iyo maalmaha kale ee aad fursadda heysaan? Ma wacdaa habeen waliba kahor intaysan seexan? Wali ma dareensiisaa inay kugu weyntahay? Haddii jawaabta ay maya tahay, taas ayaa sabab u noqon karta waxa ay kuu nacday.

Haweenka waxay rabaan in kalgacayl loo muujiyo isla markaana la siiyo mudnaanta ay leeyihiin waa inaad ficil ku tustaa lama rabo afka.

  1. Ixtiraam la’aan

Haddii aadan dhageysan ra’yigeeda, waxaad diiday fakarkeeda  taasoo keeneysa inay si buuxdo kuu nacdo.

Haka filan inay wali jacayl kuu qabto adigoo aanan wax ka weydiin aragtideeda ku aadan waxyaabaha saameynaya xiriirkiina.

Inaad dhaqankaaga iyo dabeecaddaa bedesho waa muhiim haddii aad dooneysid inaad bad baadisid xiriirkiina.

Related Articles

Back to top button