XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: 3 Calaamadood Oo Lagu Ogaado Inaadan Muhiim U Ahayn Ninka

Waxaa suurtagal ah inaad heshay jacaylka noloshaada balse ugu dambeyn uu kaaga tago dhaawac iyo qalbi jab.

Si aad u ogaato haddii ninka uu kugu daneysanayo isla markaana aadan muhiim u ahayn, calaamadahaan ayaa laga eegaa.

Waa kuwaan 3 calaamadood oo aad ku garan karto inaadan muhiim u ahayn ninka.

  1. Wuxuu kula soo xiriiraa marka uu kuu baahanyahay kaliya

Haddii aadan muhiim u ahayn noloshiisa, wuxuu kusoo wacayaa mar dhif ah oo kaliya, kuuma soo dirayo farriimo si uu kuu weydiiyo xaaladda aad kusugantahay maalintaas.

Waxa uu kusoo wacayaa kaliya marka uu ubaahanyahay wax ama ay dhibaato heysato, iska jir oo ka eeg calaamadahan haddii aad ku aragtana muhiim uma tihid.

  1. Marnaba dareen kuma siiyo

Ma dhageysto wax walbo oo aad u sheegto gaar ahaan dhibaatooyinkaaga. Sababta ayaa ah inay jiraan waxyaabo kale oo uga muhiimsan dhibka ku heysto isla markaana uu dareemayo in dhibkaaga uusan micno lahayn.

Markaad la hadleysid waxa uu u muuqdaa maqane jooge ama inuu iska kaa mashquulinayo. Taasi waa calaamad kale oo aad ku ogaan karto inuusan ku rabin.

  1. Ma ogolo inaad noloshiisa qeyb ka noqotid

Marnaba kuuma soo bandhigin qoyskiisa ama saaxiibadiis mana doonayo inaad wax ka ogaato noloshiisa gaarka ah.

Waxaa taas sabab u ah muhiim uma  ihid noloshiisa oo waxaad tahay qof kumeel gaara oo la bedeli karo. Haddii uusan xiriirka kumaal gelin waqtigiisa iyo tamartiisa, shaki la’aan waxaa ah inaad tahay qof aanan muhiim u ahayn.

Related Articles

Back to top button