5 Waxyaabood Oo Ninku Sameeyo Oo Ku Tusaya Inuu Si Dhab Ah Kuu Jecelyahay

Gabdho, marka ay noqoto jacayl iyo ragga, waligiin ha aaminina wax kasta uu sheego balse  rumeyso kaliya waxa uu sameeyo. Haddii uu sheego inuu ku jecelyahay, ka eeg ficilladiisa.

Waa kuwaan 5 waxyaabood oo yar oo ninku sameeyo kuwaas oo ku tusaya inuu si dhab ah kuu jecelyahay.

  1. Baahiyihiisa kuwaaga ayuu ka hormariyaa

Haddii uu dhab ku jecelyahay, baahiyahaaga ayaa koow ah ama kahoreeya kuwiisa. Waxa uu taas u sameynayo ayaa ah inuu arko farxaddaada ama adigoo faraxsan.

  1. Ujeedkiisa dhan ma ahan galmo

Marka ninka uu si dhab ah kuu jecelyahay, dantiisa dhan ma ahan galmo, waqti ayuu kula qaadanayaa isagoo aanan galmo kula sameyn.

  1. Waa mid fariimaha kaaga soo jawaaba xaalad kasta

Haddii ninkaaga uu aad uga mashquulo ka jawaabidda fariimahaaga, kuma jecla. Haddii uu jecelyahay, waa mid kaaga soo jawaabaya fariimahaaga xittaa marka ay culeys ku tahay.

  1. Wuxuu door bidaa inuu kula joogo markaad xanuunsantahay inuu la joogi lahaa dadka kale/saaxiibadiis

Waad ogtahay inuu si waali ah kuu jecelyahay haddii uu joojiyo inuu waqti la qaato saaxiibadiis isla markaana adiga uu kula joogo iyadoo ay jirto inaad xanuunsantahay.

Marka uu ku jecelyahay inuu ku daryeelo ayaa uga wanaagsan inuu waqti lasoo qaato saaxiibadiis sababtoo ah adiga ayaa ka horeeya saaxiibadiis oo ka muhiimsan.

  1. Way ku adagtahay inuu kaa fogaado

Marka ninka uu ku jecelyahay, way ku adagtahay inuu kaa maqnaado muddo dheer. Markuu u safro banaanka magaalada, waa mid si joogta ah kuula soo xiriira marka uu kasoo laabto safarka, waxaa tahay qofka ugu horeeya ee uu doonayo inuu arko sababtoo ah way adkeyd ka fogaanshahaaga.

Related Articles

Back to top button