XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: Ninka Leh Afartaan Tilmaamood Kuguma Habboona

Inaad jeclaato qof aanan kugu habooneyn waa qalad kaas oo wax yar kadib kaaga tagi doona xanuun. Waa inaad si wanaagsan u barataa lamaanahaaga kahor intaadan ka aqbalin qorshihiisa.

Waa kuwaan afar tilmaamood oo aad ku ogaan karto inuusan kugu wanaagsaneyn.

  1. Ixtiraam la’aan

Bal u fiirso sida uu ula dhaqmo qoyskiisa iyo qaraabadiisa. Haddii uusan si wanaagsan ula dhaqmin oo uu akhlaaq xunyahay haka filan inuu adiga ku ixtiraamo.

Sidoo kale waxaad eegtaa sida uu ula dhaqmo dadka uu u arko inay ka hooseeyaan, haka filan ixtiraam haddii uu six un ula dhaqmo.

  1. Aflagaado

La noolaashaha ruux aflagaado kaliya ah waxay sababeysaa inay kugu dhacaan nabarro qalbiga ah oo ay adagtahay inaad ka bogsato.

Haddii uu yahay lamaanahaaga qof aflagaado badan oo dhaqan xun fadlan xiriirkaas iska soo gabagabeey si aad iskaga ilaaliso xanuuno qalbiga ah oo kugu dhaca. Xadgudubka iyo aflagaadada mararka qaar waxay keenaan gacan qaad.

  1. Midka aanan ku dhageysan

Haweeney kasta wanaag ayay dareentaa marka ay dhibaatooyinkeeda la wadaagto lamaanaheeda. Si kastaba, haddii uusan ku dhageysan, aad u taxadar sababtoo ah way adkaan doontaa in la xaliyo marka uu qilaaf ama ismaandhaaf yimaado.

  1. Midka aanan marnaba muujin qiimahaaga

Haddii uusan arkin isla markaana uusan qiimeyn waxyaabaha aad sameyso si xiriirka u shaqeeyo, ma ahan kan kugu wanaagsan.

Ninka wanaagsan wuu qiimeeyaa haweeneydiisa isagoo dareensiiya kalgacayl iyo inuu jecelyahay.

Related Articles

Back to top button