XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Nooc Oo Dumarka Kamid Ah Oo Waqtiga Kaa Luminaya

Ma jiro wax ka jahwareer badan inaad la kulanto haweeney dooneysa inay waqtiga kaa lumiso kaliya.

Qofka wuu ka shalaaynayaa maadaama waqtiga uga lumay haweeneydaas uu ku dhisan lahaa ama ku keensan lahaa haweeney kale oo wanaagsan isla markaana daacad ah.

Qarnigaan la joogo, inaad jeclaatid haweeney noocaas ah oo waqti lumis kaliya rabto waa wax iska caadi ah.

Si aad u aqoonsatid dumarka noocaas ah, waa kuwaan liiska dumarka ay u badantahay inay waqtiga kaa lumiyaan.

  1. Haweeneyda wali jecel ninkeedi hore

Waa wax iska caadi ah in haweeney ay jacayl u qabto ninkeedii hore oo ay kala tageen. Haddii ay dhacdo inaad la kulanto haweeney noocaas ah oo aanan wali jarin ninkeedii ama saaxiibkeed hore isla markaana wali jecel, haku dhibtoonin maadaama ay waqtiga kaa lumineyso. Haween kale ayaa kabadan oo waxaad heleysaa mid ku jecel oo aanan waqtiga kaa lumineyn.

  1. Haweeneyda qarash doonka ah

Haweeneyda lacag doonka ah waa nooca ay tahay in ninka uusan waqti iskaga lumin. Sababta ayaa ah haweeneyda noocaas lacagta oo kaliya ayay kaa dhameyneysaa kadibna way ku neceysaa. Danta ay leedahay dhan ayaa ah lacag.

  1. Haweeneyda mar kasta mashquulsan

Marka haweeney ay ugu yaraan 3 jeer kuu sheegto marmarsiyo ah inay mashquulsantahay waa inaad ka socotaa.

Xaqiiqda ayaa ah in haweeneydaas aysan ku rabin waana sababta aysan marnaba kuugu hureyn waqti yar oo ay kula qaadato.

Related Articles

Back to top button