XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Waxyaabood ogoow markaad la haasaaweysid haweeney da’ yar (Lambarka 2-aad Waa Muhiim)

Ma tahay nin da’ weyn oo nasiibkiisa ku tijaabinaya dumar yar?

Waala garan karaa maadaama ay taasi ay tahay riyada nin kasta oo doonaya inuu helo gabar yar misana qurux badan.

Sikastaba, waxaa jiraan waxyaabo ku saabsan dumarka yar oo ragga badanaa aysan waxba kala socon.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabahaas la doonayo inaad ogaato markaad la haasaaweysid haween da’ yar.

  1. Ha dhageysan xanta

Dadka waxay noqonayaan kuwo hinaaso badan mar kasta oo ay kugu arkaan xiriir farxad leh. Sababtaas darteed, waa inaadan dhageysan xantaas maadaama ay doonayaan inay ku burburiyaan xiriirkaaga, dhagaha ka xiro horeyna uga soco oo ku raaxeyso guurkaaga ama xiriirkaaga farxadda leh.

  1. Ha isku dayin inaad iibsato

Ragga qaarkood waxay qabaan shaki ah in gabdhaha aysan rabin ama ay diidi doonto taasoo sabab ay u tahay da’dooda iyagoo markaas kadib isku daya inay iibsadaan.

Sikastaba, talada wanaagsan ee ku anfacaysa ayaa ah inaadan marnaba isku dayin inaad iibsato gabar, waxaa wanaagsan in gabarta ay si dabiici ah kuu jeclaato.

  1. La wadaag khibradaha noloshaada

La-wadaag gabadha qibradahaaga nolosha, had iyo jeer noqo qof u fur furan oo ha ogaato ujeedkaaga iyo qorshaha aad leedahay.

Sidoo kale dhagahaaga amaahi si aad u dhageysato qibradeheeda nololeed.

Related Articles

Back to top button