XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Waxyaabood oo haweenku ku sameeyaan xiriirka oo raggu ay necebyihiin

Waxaan idiin soo gudbineynaa saddex waxyaabood oo dumarku sameeyaan kuwaas ay raggu necebyihiin.

Inkastoo ninkaaga uusan sheegeyn ama ka hadleyn arimahaas hadana sifooyinkaan wuxuu u arkaa kuwo xadka ka baxsan.

  1. La xiriiridda ninkaagi/saaxiibkaa hore

Ninkaaga ma jecleysanayo markaad wali la hadasho ama xiriir aad la leedahay saaxiibkaa hore, waa inaad jartaa dhammaan xiriirada aad la leedahay ninkaas kahor intaadan xiriir cusub qof la yeelan.

Inaad xiriir lasii lahaatid qofaad hore u kala tagteen waxay keeneysaa in yarka markaas uu xiriirka idinka dhexeeyo uu su’aal geliyo daacadnimadaada. Iska ilaali waxyaabahan.

  1. Maseyr badan

Waa wax iska caadi ah in haweenku maseeraan  balse marka maseerka uu xadkiisa dhaafo wuxuu kaa fogeynayaa ninkaaga.

Maseerka tirada badan wuxuu ninkaaga ku ridayaa nasasho la’aan, sidaa darteed intaad noqon lahayd qof maseyr badan isku day inaad ku kalsoonaatid ninkaaga si naftaada ay ugu raaxeysato guurka.

  1. Cabasho badan

Ragga waa kuwo neceb marka ay haweenkooda noqdaan kuwo cabasho badan. Ma jiro qof aanan qalad galin.

Ragga aad ayay u necebyihiin markaad aad uga cabato qalad yar oo dhacay taasi waxay keeneysaa niyad jab iyo ninka inuu ku naco.

Cabashada badan waxay xittaa ku dhammaan kartaa muran kaasoo xiriirka ama guurka galinaya xaalad burbur ah.

Related Articles

Back to top button