XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: Ragga Leh Saddexdaan Astaamood Ee Gaarka Ah Waa Cajiib

Helitaanka nin wanaagsan waa riyada haweeney kasta. Waxaa jiraan waxyaabo kala duwan oo muujin kara nin wanaagsan.

Ka sokoow awoodda sariirta ee ninka ragga ah, waxaad u baahantahay ruux karti u leh inuu farxad u keeno qoyskaaga.

Ragga leh saddexdaan sifood waa kuwo ay adagtahay in la helo.

  1. Ragga yaqaan sida cuntada loo kariyo

Waa dareen wanaagsan marka nin uu cuntada u kariyo xaaskiisa. Waxa shaki uusan ku jirin in haweeneyda ay jacayl xad dhaaf ah u qaadeyso ninkaas u diyaarin kara cuntada.

Ninka cuntada Karin yaqaan waa mid ku weyn nolosha haweeneyda. Ma jirto haweeney dooneysa inuu dhaafo ama ay weyso nin noocaas ah.

  1. Ragga haweenkooda daryeela

Waxaa jiraan maaliyiin haween  ah oo raadinaya rag daryeelan kara. Ragga intooda badani waxay ka cabsadaan mas’uuliyadaha qaarkood.

Haddii aad heshid nin diyaar u ah inuu nafta kuu huro si uu u arko adigoo faraxsan marnaba ha isdhaafin.

  1. Ragga ixtiraama haweenka

Ixtiraamka waa mid kaalin muhiim ah ka ciyaara xiriirka ama guurka. Ragga iyo haweenkaba waxay mudanyihiin in la ixtiraamo.

Waligaa ha iska indha tirin nin ku xushmeeya waqti kasta. Dhanka Haweenka marka la xushmeeyo waa kuwo dareema inay la jecelyahay oo ay qiimo leeyihiin.

Related Articles

Back to top button