XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Waxyaabood Oo Lamaanaha Ka Caawinaya Inay Si Daran Isku Jeclaadaan

Marka aad rabtaan inaad xoojisaan xiriirka idinka dhexeeya lamaane ahaan, waxaa jira qaabab badan oo aad ku xoojin kartaan xiriirkiina.

Lamaanaha waxaa lagula talinayaa inay noqdaan kuwo aad iskugu dhow sidaa darteed xiriirkooda wuxuu noqon karaa mid aad u xoogan.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha loo baahanyahay inay sameeyaan si ay ugu soo dhowaadaan.

  1. Isku duugis/ kareen ama saliid la isku mariyo

Mar kasta uu lamaanahaaga yimaado guriga isagoo daalan ama iyadoo daalan u dug korka si daalka uga baaba,o una raaxeysto.

Natiijada ka dhalaneysa in la isku duugo ama korka la isku riixo ayaa ah in xiriirka laba lamaane uu korayo isla markaana uu noqonayo mid xoogan maalinba maalinta ka dambeysa.

  1. In mid walba uu caawiyo kan kale marka uu xanuunsanyahay

Ma jiro qof aanan xanuunsan, qof kasta waa mid xanuunsada. Mar kasta uu labadiina mid kamid ah xanuunsado, waxaa wanaagsan in mid walba uu kan kale xaawiyo.

In labada lamaane is caawiyaan marka kan kale uu xanuunsanyahay ayaa keeneysa in xiriirkooda uu noqdo laba ruux oo aad iskugu dhow isla markaana isjecel.

  1. Jimicsi

Jimicsigu waa muhiim marka aad dooneysid inaad cayilka iska baabi’iso. Lamaane ahaan, inaad wada jimicsataan waa wado u wanaagsan isku soo dhowaanshaha labada lamaane.

  1. Isdaryeelid

In lamaanuhu isdaryeelaan waa wadada ugu dhow uguna macquulsan ee ay iskugu soo dhowaan karaan.

In timaha aad u dhaqdo ama aad u shanleyso lamaanahaaga, cidiyaha u jarto oo aad qurxiso waa wax cajiib oo la jecleysto isla markaana lamaanaha ka dhigaya kuwo isjecel.

Related Articles

Back to top button