XIRIIRKA IYO GUURKA

Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Been Abuurka Ah Ee Xiriirka

Qof kasta inta uu noolyahay wuxuu rajeeyaa isla markaana uu jecelyahay inuu helo jacayl dhab ah oo aanan been ahayn.

Waa kuwaan calaamadaha lagu garto jacaylka beenta ah.

  1. Isgaadhsiin yari

Haddii lamaanahaagu uu adiga kaa sugo inaad bilaawdo wicitaanka oo aad adiga marka hore wacdo xiriirkaas wuxuu wajahaayaa burbur.

Haddii fariimahaaga iyo wicitaanadaada ay qaataan muddo in lagaaga soo jawaabo dabdeed waxaad ku jirtaa xiriir qaldan. Lamaanaha isjecel waa kuwo ku dadaala in midba kan kale uu ogaado sida ay xaaladdiisu tahay, waana midkaas xiriirka wanaagsan ee guuleysta.

  1. Aamin daro

Jacaylka dhabta ah mar kasta wuxuu leeyahay kalsooni. Haddii mar kasta ka shakiso lamaanahaaga taasi waxay sababeysaa dhibaatooyin ka dhasha xiriirka.

Haddii aragtidiina midba kan kale ku wajahan ay dhammaantood isdiidaan, dabadeed taasi waxay tilmaameysaa jacayl been ah inuu yahay jacaylkaas.

  1. Samir la’aan

Jacaylka dhabta ah wuxuu leeyahay Samir iyo dulqaad sababtoo ah lamaanaha sida dhabta ah isku jecel waa kuwo isku sabra oo iskugu dulqaata waxyaabaha qaar.

Haddii ay dhacdo in lamaanaha ay qaladaadka qaar iskugu sabri waayaan dabadeed waxaa iska cad iney jacaylkoodu yahay been.

Jacaylka dhabta waa mid ku dhisan Samir.

  1. Dood joogto ah

Xiriir ay mar kasta labada lamaane ku murmaan arimo kala duwan oo aanan laga gaarin xal cad waa calaamad muujineysa jacaylka inuu yahay mid been abuur ah.

Qalad yar ayaa mar kasta u muuqda wax weyn taasoo keeneysa muranka.

Related Articles

Back to top button