XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Astaamood Oo Lagu Garto In Gacalisadaada Uu Haayo Maseer Daran

Waxaa hubaal ah inay ku jeceshahay balse waddo qaldan ayay ku muujineysa jacaylka ay kuu qabto sababtoo ah maseerka ayaa xad dhaaf ah.

Maseerka wuxuu keeni karaa fikradaha xun ee ku jira qalbiga haweeneyda kuwaas oo noqon kara kuwo  aad xun. Haweenka maseerka badan waa baaritaan badanyihiin waxayna qabtaan shaqo ka culus tan ay qabato hay’adda sirdoonka Mareykanka ee FBI.

Sidaa darteed, side ku ogaaneysaa inay hayaan arimo maseer? Aqri 3 astaamood oo lagu garto in saaxiibtaa ay qabto arimo maseer.

  1. Waxay kugu dab gashaa barahaaga bulshada

Marka gabadha ay maseersantahay  xittaa way xittaa waxay kugu dabagaleysa internet-ka. Waxay rabtaa inay ogaato wax kasta oo aad internet-ka ka qabatid; kuma aamini karto  oo xittaa waxay raadineysaa qaabkii ay ku heli lahayd lambar sireedkaaga (Password) si ay u gasho bartaada bulshada.

Markaad calaamadahaas aragtid  waa inaad ogaataa in saaxiibtaa uu haayo maser aad u daran.

  1. Daqiiqad kasta ayay kusoo wecee

Waanu ognahay in isgaadhsiintu muhiim u tahay xiriir kasta balse waxaan sidoo kale aad u ognahay in isgaadhsiintu ay ku dareensii karto in lagu caburinaayo.

Maseer daran ayaa haayo haweeneyda marka ay kusoo wacdo daqiiqad kasta sababtoo ah waxay kaaga shakisantahay haweeney kale. Markaad ku aragto astaamahan dabadeed waa inaad ogaataa in saaxiibtaa uu maser daran haayo.

  1. Kama hadli kartid haweeney kale

Waxba kama galin haweeneyda aad ka hadleyso waxay tahay, qodobkaan waa mid ka mamnuuc ah mowduuca markaad wada sheekeysaneysiin ma rabto inaad ka hadasho haween, xittaa waxay noqon kartaa qofaad shaqo wadaag tihiin oo aysan jirin wax xiriir hoose ah oo idinka dhexeeyo sidaa darteed haddii ay dhibsaneyso saaxiibtaa haka hadlin  wax haween ah.

Markaad ku aragto calaamadahan kadib waa inaad ogaataa in saaxiibtaa ay qabto maseer daran.

© Aayaha

Related Articles

Back to top button