XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Waxyaabood Oo Laga Eego Qofka Aad Rabtid Inaad Nolosha La Wadaagto

Doorashada lamaane nolosha kula wadaaga waa mid kamid ah go’aanada ugu adag.

Si qofkaas uu go’aanka u sameeyo, isaga/iyada waxay u baahantahay inay taxadarto maxaa yeelay haddii qofkaas uu sameeyo go’aan qaldan wuxuu saameynaa noloshiisa inta ka dhiman.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha laga eego qofka aad dooneysid inaad nolosha la wadaagtid.

  1. Qof ku siiya dareen

Haddii aad hesho qof aanan kusii Karin dareen am ail gaar ah, kadib waxaad arkeysaa qof qaldan oo aanan kugu habbooneyn.

Qofka wanaagsan waa kan dareen siiya lamaanihiisa, ma ahan qofka had iyo jeer ama mar walba ku mashquulsan taleefanka ama Telefishin adigoo ag jooga.

  1. Qof ku jecel

Jacaylka waa sheeyga ugu muhiimsan xiriir kasta ama guur kasta. Halkii aad aadi lahayd qof aadan jecleyn waxaad aadaa qof aad hubto inuu ku jecelyahay.

Dadka qaar waxay sameeyaan qalad ah inay doortaan dadka ay jecelyihiin iyagoo wax yar kadib xaqiiqsada inay dadkaas marnaba jecelyn.

  1. Qof aamin iyo daacad ah

Aaminaada iyo daacadnimadu waa furayaasha ugu muhiimsan xiriirka sababtoo ah waa tiirarka guurka. Qofka aad rabto inaad nolosha la qaadato waa inuu noqdaa daacad oo uusan ku qiyaanin.

Isaga/iyada waxay u baahanyihiin inay daacad u noqdaan xiriirka si uu u noqdo mid shaqeeya oo guuleysta.

Related Articles

Back to top button