ARIMAHA BULSHADA

Wax Ka Ogoow Qeylada Iyo Dhibaatooyinka Ay Caruurta U Geysato

Waalidiin kasta waxay rajeeyaan in caruurtooda ay ku bar baariyaan waddo wanaagsan. Caruurta waxay u muuqdaan kuwo u dhaqma si aanan wanaagsaneyn taasoo mar kasta ay dhibsadaan walidiinta.

Si kastaba ha noqotee, qaabka carada loogu muujiyo caruurta ayaa si aanan wanaagsaneyn u saameyneysa, ku qeylinta waa kasii darantahay.

Ku qeeylinta caruurta ayaa waxay u badantahay inay sababaan waxyaabahan soo socda.

  1. Qeylada waxay sii xumeyneysa dabeecadda canugga

Inaad ku qeyliso canugaaga kaama caaweineyso inuu canugga joojiyo waxaad ka canaaneyso ee aad ugu qeylineyso ama dhaqanxumada balse taas waxay horseedeysaa inuu ku adkaado dabeecaddaas iyo dhaqanxumada.

Caruurta ay ku qeyliyaan waalidiintooda ayaa la sheegay inay kordhaan heerarkooda dhaqan xumada.

  1. Caruurta ay waalidiintooda ku qeyliyaan waxaa ku dhaca niyad jab iyo boogo

Markaad ku qeyliso canugga waa murugoonayaa, waxaa ku dhacaya jahwareer, dhaawac iyo cabsi. Taas ayaa waxay u horseedeysaa walbahaar iyo in canugga ay caloosha uga dhacaan boogo, arintaas oo ah mid kale oo xaaladda iyo dhaqan xumaddiisa uga sii dareysa.

Cilmi baaris ayaa soo bandhigtay in qeylada ay caruurta ku rido wal wal daran.

  1. Qeylada waxay caruurta ka dhigtaa kuwo cabsi ku kora

Qeylada joogtada ah ayaa waxay canugaaga ka dhigeysaa mid ku kora cabsi. Waxaa la sheegay in canugga aadka loogu qeyliyo uu wal wal ku dhacayo isla markaana uusan marnaba kula wadaageyn dareenkiisa iyo haddii xittaa uu aad u dhibsado.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in qeylada ay maskax ahaan saameyso caruurta yar isla markaana loo baahanyahay intii aad loogu qeyli lahaa in si tartiib ah wax walba loogu sheego.

Related Articles

Back to top button