XIRIIRKA IYO GUURKA

Ninka leh sifooyinkaan haweeney kasta ayaa raadiso

Haddii aad rabtid inaad noqoto seeyga ay haweeney kasta jeclaan lahayd inay hesho, waa kuwaan 11 tilmaan uu leeyahay seeyga wanaagsan.

Meel ku qoro oo noqo kan ay dumarka raadinayaan.

  1. Dhageysi

Waa inuu noqdaa mid ay quseyso aragtideeda, fikirkeeda iyo sheekooyinkeeda. Haweeneyda waxay rabtaa nin ay isku fur furi karto oo leh dareen saaxiibtinimo.

  1. Degan

Waa inuu yaqaanaa marka loo baahanyahay inuu carabkiisa dib u celiyo si uu uga hortago inay xaaladda faraha kasii baxdo marka uu muran labada lamaane dhex maro ama ay xaaska careysantahay oo ay ku jirto dareen aanan wanaagsaneyn.

  1. Isgaadhsiin

Waa inuu yaqaanaa faa’idada ay leedahay isgaarsiinta; waji kawaji iyo tan taleefanka. Baro sida loogala socdo taleefanka xaaladeeda, si aad ugala sheekeysato iyo si aad kalinimada uga ilaaliso markaad ka maqantahay.

  1. Hogaamin

Waa inuu bixiyaa jiho. Halka ay u socdaan lamaane ahaan iyo qoys ahaan? Waa inuu leeyahay kalsooni, aragti iyo hogaamin.

  1. Daacad

Waa inuu muujiyaa jacayl iyo daacadnimo, waa inuu noqdaa mid daacad u ah xaaskiisa iyo guurkiisa isla markaasna uu ka fogaadaa qiyaanada.

  1. Kalgacayl

Waa inuu kalgacayl u muujiyaa xaaskiisa haddii ay caruur badan u dhashay iyo haddii kaleba. Tusi inay kugu weyntahay, ammaan/faani, farxad geli qalbigeeda oo ula dhaqan sidii boqorad.

  1. Xooji kalsoonida

Waa in ninka xaaskiisa uu ka dhigaa mid aad ugu kalsoon nafteeda, daaqada ka saara shakiga ay qabto, hoos u dhiga cabsida ay qabto, xusuusiya qofka ay tahay marka ay hilmaamto, sare u qaada niyadeeda marka ay niyad jab dareento, dareensiiya inay qurxantahay marka aysan sidaas dareensaneyn.

  1. Garab

Waa inuu noqdaa mid garab istaaga xaaskiisa marka ay garab iyo gacal u baahantahay sababtoo ah waa isaga kaliya qofkeey usoo ordeyso isla markaana isku haleyneyso.

Ogoow waxaa tahay garabka koowaad ee xaaskaaga ee noqo qof ay isku halleyn karto.

  1. Daryeel

Hadii ay shaqeysato oo lacag inta uu qaato kabadan ay qaadato iyo haddii kale, waa inuu kaalin weyn ka qaataa la kulanka baahiyaha qoyska isla markaana uu bixiyaa biilasha, lacagta waxbarashada caruurta iyo qarashaadka kale ee loogu talagalay adeegyada aas aasiga ah.

  1. Dhiirigelin

Waa inuu noqdaa nin dhiiri geliya xaaskiisa isla markaana ku yiraahda “Waankugu kalsoonahay macaanto. Waad sameyn kartaa waxaan iyo waxaas. Waa inuu sidoo kale noqdaa mid gacan ka geysta hormarkeeda kuna caawiya waxbarasho iyo shaqo wax alaale oo faa’ido leh oo ay sameyneyso.

  1. Nabad

Waa inuu noqdaa nin nabad sameeye ah oo og sida loo dajiyo xiisadda isla markaana looga fogaado dhibaato, dagaal iyo wax kasta oo xaaladda uga dari kara.

Aayaha

Related Articles

Back to top button