XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: Gabaryahay Guurso Nin Noocaan ah

Gabar kasta waxay jeceshahay inay hesho oo ay guursato nin wanaagsan, sidaa darteed gabaryahay xulo oo guurso nin noocaan ah.

1. Dooro inaad jeclaato nin jecel hooyadiis sababtoo ah si wanaagsan ayaa loo soo bar baariyay.

2. Dooro nin jecel inuu wax akhriyo, oo kaliya ma aha imtixaannada. isagu waa nin xigmad leh oo waxgarad ah.

3. Dooro nin maad leh, waligaa ma caajiseysid.

4. Dooro nin si wanaagsan ula dhaqma dadka masaakiinta ah iyo kuwa kaleba, waa nin naxariis badan.

5. Dooro nin wax dhageysta, isagu waa mid ku fahmaya.

6. Xulo nin doonaya inuu dhiso qoys, waqtigaaga laguma dhumi doono shukaansi micno darro ah.

7. Dooro nin ixtiraama aabihiis dhib malahan sida uu yahay aabihiis, waa wax garad dhab ah.

8. Dooro nin aanan aflagaadeyn ama caayin xaaskiisi hore ama ninkaagi hore xittaa haddii furiinka uu ahaa mid murugo leh. Waa qof jacaylka u galay sababo wanaagsan.

9. Xulo nin kuu baahan. Waa mid ku heysan doona oo aanan marnaba ku deyn doonin.

10. Xulo nin aqbala sixitaanka isla markaana bedela dhaqankiisa xun. Waxa uu noqonayaa mid aad kuu jecel.

11. Dooro nin kuu duceeya. Waxa uu ogyahay inaad tahay hadiyad eebe (SWT) siiyay.

12. Xulo nin haweenka kale ixtiraam kula dhaqma. Waxa uu kuu muujin doona ixtiraam intaad kabadan.

13. Dooro nin jecel caruurta dadka kale. Waa aabe waxa uuna aabe wanaagsan u noqon doonaa caruurtaada.

14. Dooro nin leh aragti. Wuuku dhisayaa, waxa uu ogyahay halka uu u socdo.

15. Dooro nin leh saaxiibo wanaagsan. Waxaad dabeecaddiisa ka ogaan kartaa saaxiibada uuleeyahay.

16. Dooro nin qiimeeyaa isku soo dhowaanshaha aanan ahayn galmada. Wuxuu noqon doonaa mid kugu kalsoon.

17. Dooro nin daneynaya riyooyinkaaga. Waa mid ka fekeraya mustaqbalkaaga.

18. Dooro nin ku saxa markaad qaldantahay kuguna dhiiri geliya inaad qof wanaagsan noqoto.

19. Dooro nin dadaal badan oo howlkar ah, ninka noocaas maalin ayaad ku farxeysaa oo uu dadaalkiisa ka miro dhalinaa.

20. Dooro nin aanan ka baqan ragga kale marka ay arkaan quruxdaada. Waa nin kalsooni qaba.

Aayaha

Related Articles

Back to top button