XIRIIRKA IYO GUURKA

Talooyin kaa caawinaya inaad lamaane daacad ah u noqoto guurka

Daacadnimadu waa mid lagama maarmaan u ah lamaanaha xiriirka uu ka dhexeeyo.

Lamaanayaasha qaarkood ayaa dayaca muhiimadda ay leedahay daacad u ahaanshaha xiriirka waxana taas sabab u ah qibrad la’aan heysata.

Daacadnimo la’aanta xiriirka waxay guurka u horseedaa burbur iyo furiin.

Shabakadda Aayaha.net, waxay idiin soo gudbineysaa qaar kamid ah talooyinka lamaanaha ka caawin kara inay daacad u noqdaan guurkooda.

  1. Qiimeey lamaanahaaga

Daacadnimadu waa mid ku saleysan qiimeynta qofka aad xiriirka leedihiin ama aad guursatay. Si xiriirka u koro waa inaad ogaataa inay aad muhiim u tahay inaad qiimeyso lamaanahaaga aad nolosha iyo nafta wadaagteen.

Isbar inaad qiimeyso lamaanahaaga adigoo ficil ugu muujinaya ee aanan dareen ugu muujineyn.

Si aad daacad ugu ahaato lamaanahaaga, ha dareemo qiimaha ay ugu fadhiso noloshaada.

  1. Qof kale ha jeclaan

Waa inaad barataa inaad ixtiraamto lamaanahaaga maadaama aysan habbooneyn inaad isku daydo inaad qiyaanto.

Daacad u ahaanshaha guurka ayaa ka dhigan inaad lamaanahaaga jeclaato maalin kasta.

In lamaanahaagu noqdo qofka kaliya ee aad jeceshahay ayaa ah habka ugu wanaagsan ee aad lagu cadeeyo daacadnimada.

  1. Mudnaan sii guurkaaga

Gabadha ama wiilku waa in xiriirka uu ka dhigaa mudnaanta koowaad si uu daacad ugu ahaado ama ay ugu ahaato lamaanaheeda.

Ka dhigidda xiriirka mudnaanta koowaad ayaa qeexeysa daacadnimada. Waxaa jiri kara waxyaabo kale oo aad mudnaanta siiso, balse maskaxda kuhaay inay muhiim tahay inaad xiriirka siiso mudnaanta koowaad.

Related Articles

Back to top button