ARIMAHA BULSHADA

Sawirro: Haweeney ku dhalatay gacmo la’aan & Jilbo La’aan oo aqal galeysa kadib markii Dhaqaatiirtu ay horey ugu sheegeen inaysan….

Jacaylka dhabta ah waa mid arka wax ka baxsan muuqaalka maadaama haweeney aanan lahayn gacmo iyo jilbo oo horey loogu sheegay inaysan marnaba hogaamin Karin nolol caadi ah ay guursan rabto.

Haweeneydan oo 30 sano jir ah laguna magacaabo Jlissa Austin oo kasoo jeeda gobolka Taxas ee dalka Mareykanka, oo aanan lahayn gacmo iyo jilbo ayaa ku dhalatay xaaladda.

Sida laga soo xigtay jariiradda Metro, dhaqaatiirta ayaa qoyskeeda u sheegay inaysan marnaba socon doonin ama aysan surtagal ahayn inay hogaamiso nolol caadi ah.

Xittaa kadib sanadaahaan, Jlissa ayaanan garaneyn waxa sababay xaaladdan balse waxaa u suurtagashay inay lugeheeda ku socoto isla markaana afka cadayato oo fariimo ay ka dirto taleefankeeda.

Cudurka haayo ayaanan la xiriirin xaalad gaar ah, dhaqaatiirtu waxay hooyadeed u sheegeen in Jlissa aysan koreyn isla markaana aysan heleyn nolol wanaagsan.

Iyadoo hadalkaas beenineysa ayay Jlissa iyo ninkeeda Johnathan waxay ku noolyihiin Houston iyagoo qorsheynaya arooskooda riyada ah ee sanadkan 2019.

Waxay sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay hesho ninka ay nafta wadaageen ee Jonathan kaasoo ay la kulantay 13 sano kahor.

Lamaanaha ayaa dhamaan sanadahaas ahaa saaxiibo balse markii dambe jacayl isku qaaday, iyagoo iminka aad ugu faraxsan iyo noqdaan Seey iyo Xaas.

Related Articles

Back to top button