XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Waxyaabood Ninka Wanaagsan Uusan Ku Sameyneyn Haweeneyda Uu Jecelyahay

Marka nin uu ku jecelyahay, waxaa jiraan waxyaabo uusan kugu sameyn Karin, gaar ahaan haddii waxyaabahaas ay yihiin kuwo dhaawici doona dareenkaaga.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha aysan ragga wanaagsan ku sameynin xaasaskooda ay jecelyihiin.

  1. Kuguma qasbo inaad u sameyso waxyaabo aadan ku faraxsaneyn

Waxaa jiraan rag mar kasta ku cadaadiya haweenkooda inay u sameyaan waxyaabo xittaa iyagoo aanan kala tashan ama aanan ogaan in haweenkooda ay ku faraxsanyihiin iyo inkale.

Si, kastab, ragga wanaagsan marnaba haweenkooda kuma qasbaan inay u sameeyaan waxyaabo aysan ku faraxsaneyn ama ku qanacsaneyn.

Sababtu ayaa waxay tahay way ixtiraamaan haweenkooda, sidoo kale dooqooda iyo fikradohooda.

  1. Dayacaad

Ragga qaarkood waa kuwo iska indha tira oo dayaca haweenkooda. Ninka wanaagsan waa mid aanan marnaba dayici doonin haweeneydiisa, waana mid mar kasta ku dadaali doona siduu u yaryeeli lahaa haweeneydiisa isla markaana u siin lahaa dareenka ay mudantahay.

Ninka wanaagsan waa mid mar kasta maal geli doona xiriirka ama guurka isla markaana ka shaqeyn doona sidii uu kaaga dhigi lahaa xaas faraxsan.

  1. Inuu marar badan kasoo bixi waayo ballanta ama been uu kuu sheego

Waxaa wanaagsan inaad nin aad ku kalsoontahay kula noolaato Teendho intaad nin aadan ku kalsooneyn oo qiyaanoole ah aad kula noolaan lahayd guri dabaq ah.

Ninka wanaagsan marnaba ma noqdo mid ilaalin waaya ama kasoo bixiya waaya ballanta uu qaado, waxa uu ogyahay in kalsooni la’aan uusan jireyn guurka.

Waxa uu sidoo kale ogyahay in kalsoonida ay tahay aas aaska guri wadaagga.

Aayaha, ka dhigo saaxiibkaa LIKE SAAR PAGE-KEENA Mahadsanid.

Related Articles

Back to top button