XIRIIRKA IYO GUURKA

Dabinada Guurka Ee Ay Lamaanayaasha Farxadda Heysta Iska Ilaaliyaan

Dhisitaanka xiriir adag oo sal adag leh marnaba ma fududa. Waxaa jiri doona culeys kala duwan balse lamaanayaasha iska ilaaliya saddexdaan dabin ee xiriirka ayay u badantahay in guurkoodu waaro.

Baabi’inta kalsoonida

Waxaa jiraan waxyaabo badan oo loo burburin karo kalsoonida xiriirka. Tani waxaa kamid ah, qiyaanada, furfurnaanta iyo wixii lamid ah.

Markaad dhib ku qabto ku kalsoonaanta waxa kaso baxa afka lamaanahaaga ama aadan aamainsaneyn kadib xiriirkaas dhibaato ayaa soo gaareysa. Xalka ugu wanaagsan ee aad iskaga ilaalin kartaan dabinkaan ayaa ah inaad isku noqotaan, dad isku furfuran oo daacad isku ah.

Ogolaanshaha in carada ay kaa tan badiso

Waxaa hubaal ah inay jiri doonaana isku dhacdo balse sida aad u xakameyso arrimahaas ay micno weyn sameynaya.

Markaad carada u ogolaato inay kaa awood badiso isla markaana aad isaga ama iyada ku tiraahdo waxyaabo naxariis darro ah ama aad dhisto darbi idiin dhexeeya adiga iyo iyada, waxaad baabi’ineysaa xiriirka.

Xakameey caradaada oo isku day inaad dhibaatada xaliso haddii kale waxaad ogataa in ereyada qofku isticmaalo marka uu careysanyahay inaad waligood la illoobin.

Iska ilaalinta wadahadal adag

Mid kamid dabinada guurka ee ay dadka badankood ku dhacaan ayaa ah iska ilaalinta inay ka hadlaan waxyaabaha adag.

Dhibaatadu ma dhammaaneyso haddii aad iska dhego tirto. Geesi iska dhig oo sameey wadahadal adag si dhibaatada ay meesha uga baxdo. Mararka qaar waa loo baahanyahay wadahadal adag.

Related Articles

Back to top button