XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Qalad Iska Ilaali Xilliga Hasaawaha

Waxaa jiraan dad dhanka anashaxa ka liita marka ay noqoto kulan shukaansi ama haasaawe. Had iyo jeer waxaa wanaagsan inaad ilaaliso anshaxa si lamaanahaagu uusan kuugu caajisin.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha anshax xumada ah oo dadku qaar ay sameeyaan.

  1. Inaad bedesho jadwalka haasaawaha

Mararka qaar dadka way mashquulaan taasoo ku kalifta inay dib u dhigaan qorshayaashooda taasoo ah mid la fahmi karo.

Balse marka ay noqoto inaad qosheyso waqtiga haasawaha ama shukaansiga, mid kamid ah labada qof waa inuu si wanaagsan ugu dadaalaa qorshaha kulanka haasaawaha.

  1. Labis aanan habooneyn

Mar kasta way wanaagsantahay inaad si wanaagsan u labisato marka ay noqoto kulan shukaansi. Ulabisashada si aanan habbooneyn lamaanahaaga kuma farxi doono.

  1. Isticmaalid taleefanka

Marka lagu jiro kulan shukaansi, waa arrin liidata inaad ku mashquuso taleefankaaga. Dhammaan dareenkaaga waa waa inuu jiraa kulanka iyo sheekada balse ma ahan taleefankaaga.

  1. Been

Marka lagu jiro sheekashada haasaawaha, waa waqtiga ugu wanaagsan ee ay dadku isku bartaan, sidaa awgeed beenta waa anshax xumo ee iska ilaali.

Related Articles

Back to top button