XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Ficil Oo Yar Balse Faa’ido Weyn U Leh Guurka

Xakameynta dhibaatooyinka xiriirka ama guurka ayaa kugu adkaan kara haddii labada lamaane aysan masuuliyad iska saarin inay ka dhigaan xiriirka mid shaqeeya.

Waxyaabaha yar yar ee aad u sameyso laamanahaaga ayaa ka qeyb qaadan kara guusha guurkiina.

Mararka qaar waan iska indha tirnaa waxyaabaha micnaha u leh xiriirka.

Waa kuwaan 5 ficil oo yar balse faa’ido weyn u leh xiriirka/guurka.

  1. Dulqaadka

Inaad xiriir la yeelayo lamaane aanan dulqaad lahayn waa naxdin. Lamaanaha wanaagsan waa kuwo qulaad sameeya mar kasta oo loo baahdo.

Labada lamaane waa inay diyaar u noqdaan inay istaageeraan marka arrimuhu aysan u muuqan kuwo aanan faraxd u lahayn nolosha.

  1. Waqtiga la isla qaato

Mararka qaar way adkaataa in lamaanuhu ay isla qaataan waqti waxana sabab u ah taasi qorshayaasha shaqooyinka oo ah kuwo adag.

Marnaba ha ogolaan in shaqada ay idin kala goyso adiga iyo lamaanahaaga. Waa inaad u heshaa lamaanahaaga haddii aad dooneysid nolol jacayl leh iyo guur shaqeeya.

  1. Ficillada

Sida aad ugu jawaabto lamaanahaaga ayaa mararka qaar noqon karta wax weyn. Qaar kamid ah jawaabaha ayaa lamaanahaaga ka dhigi kara mid walbahaaarsan. Baro in lamaanahaaga aad ugu jawaabto si ixtiraam leh waqti kasta.

Marnaba haku oran waxyaabo xun ama aflagaado ah maxaa yeelay waxyaabah yar yar waxaa lagu xallin karaa waddo wanaagsan.

  1. Dhageysi

Lamaane ku dhageysta waa farxad. Qof kasta wuxuu doonayaa lamaane dhageysta una ogolaada in dareenkooda ay muujiyaan.

Lamaane iska kaa indha tira uma qalmo waqtigaaga iyo noloshaada.

  1. Qoraallo jacayl

Gaar ahaan haweenka waa kuwo jecel marka lamaanahooda uu siiyo dareen. Qoraal jacayl waa qaababka ugu wanaagsan ee ugu muujin kartid kalgacayl.

U qor lamaanahaaga qoraallo jacayl oo yar si aad u tusto iyada ama isaga jacaylka aad u qabto. Lamaanahaaga waa mid mar kasta qiimeyn doona haddii aad qortid qoraallo noocaas ah.

Related Articles

Back to top button