Astaamaha Lagu Garto Qofka Caruurta Afduubto

Afduubayaasha caruurta waa kuwo dhab ah isla markaana caruur badan ka afduubtay dalka. Caruur badan ayaa la xaday oo la waayay.
Dadka arrintaas ku lugta leh ayaa noqon karaan ajaaniib, daris ama xittaa xubno kamida qoyska.
Isha ku haay qofka uu ka ag dhowyahay ama uu la socdo canugaaga waxay noqon karaan kuwo aanan wanaagsaneyn.
Dadka caruurta qafaasha ayaa waxay iskugu jiraan dad waaweyn iyo caruur aanan la garaneyn.
Eeg calaamadaha oo feejignoow.
- Dad aanan la aqoon oo iska dhiga sida xubno kamid ah qoyska
Haddii canuggaaga uu la kulmo qof uusan garaneyn oo iska dhigaya adeerkiis, abtigiis, eedadiis, habaryartiis ama xubin kale oo qoyska kamida isla markaana ay ka dhaadhiciyeen inay raacaan iyagoo ku marmarsiyoonaya inay waalidkood soo direen oo ay xilligaas waalidku mashquul ku yihiin howlahooda, waa digniin ku tuseysa inay caruurta xadi rabaan.
Uga dig caruurtaada inaysan ogolaan inay raacaan qof aysan garaneyn oo iskaga dhigaya  qof saaxiib la ah ama xubin kamid ah qoyska.
- Caruur aanan la qoon
Qaar kamid ah dadka caruurta qafaasha ayaa afduubka caruurta u isticmaala caruur kale. Way fududahay in caruurta ay raacaan caruur kale.
Afduubayaashaan waakuwo mar kasta u dhow halka caruurta ay ku sheekeystaan ama ku ciyaaraan.
Hubi in caruurtaada aad uga digto inay la socdaan caruur kale oo aanan la garaneyn, sababtoo ah taasi waxay isku bedeli kartaa welwel.
- Qof shisheeye ama aanan la aqoon oo caruurta weydiisanaya caawinaad
Kuwa caruurta qafaasha ayaa la xiriiri karaan caruurta isla markaana weydiisan karaan caawinaad.
Waa halis. Waa shaki weyn in qof weyn uu canug yar weydiisto caawinaad. Uga dig caruurtaada inay raacaan ama war ay ka yeelaan qof noocaas ah.
- In canugga la siiyo lacag ama nac nac iyo WLM
Dadka aanan la garaneyn ama ajnabiga ah waa kuwo caruurta kusoo jiita hadiyad sida waxyaabo mac macaan, lacag iyo waxyaabaha ay caruurta ku ciyaaraan si ay ugu guuleystaan inay u gacan galaan.
Xittaa dadkaas qaarkood ayaa caruurta ka bixiya lacagta gaadiidka halka ay u socdaan.
Uga dig caruurtaada inay hadiyad ka qaataan dad aanan la aqoon.