XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Waxyaabood Oo Yar Yar Oo Ragga Marka Ugu Horeysa Ay Ka Ogaadaan Haweenka

Marka ninku haweeney arko markii ugu horeeysay, waxaa jiraan waxyaabo badan uu ka ogaado haweeneyda.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha yar yare e ninku kaa ogaado, xittaa haddii aad u maleyneyso inaysan ogeyn.

  1. Dabeecadda

Dabeecaddaada ayaa ah waxa ninka ka dhigi kara mid ku ag jooga ama kaa tago. Qofna ma jeclo dadka qallafsan.

Dhammaanteen waxaan rabnaa qof wanaagsan si aan ugu raaxeysano qofkaan waqtiga la qaadaneyno.

  1. Labiskaaga

Ragga dhan lama wada socdaan moodooyinka, dharka socda ama ugu dambeyay. Waxa kaliya ee ay sheegi karaan ayaa ah inaad labis wanaagsantahay isla markaana ay kugu ammaanayaan mar kasta oo ay fursad helaan.

Wax isbedel ah uma sameyneyso haddii ay tahay dharkii ugu dambeeyay, katiinad iyo wixii lamid ah, haddii aad u muuqato qof labis wanaagsan wuu ogaanayaa.

  1. Udgoonkaaga

Uggoonka ama carafta cajiibka ah waa kuwo la ogyahay inay kiciyaan xasuusta qofka. Wiilka ama ninka waa mid ogaan doona sida aad usoo shiirto ama nooca udgoonkaaga.

Carafta hakuu noqoto dabiici.

Related Articles

Back to top button