3 Waxyaabood Oo Dhaca Markaad Xiriir La Yeelato Qof Daroogiiste Ah

La-haasaawidda qof daroogada aad u istcimaala waa dhibaato, qofna ma rajeeyo taas. Waxaa mar kasta jiri doona muran aanan dhammaad lahayn iyo dhibaatooyin quseeya xiriirka oo ay adagtahay in la xaliyo.

Waxa ugu wanaagsan ee aad sameyn karto ayaa ah inaad ka tagto xiriirkaas.


Waa kuwaan waxyaabaha dhaca markaad la haasaawdid qof daroogada aad u isticmaala.

  1. Dhibaatooyin dhaqaale oo aanan dhammaad lahayn

Arrimaha lacagta la xiriira marnaba kama dhammaanayaan xiriirka. Lamaanahaaga waxay u badantahay in lacagta badankeed uu ku qarash gareeyo maandooriyayaasha uu isticmaalo.

Mar kasta wuxuu mudnaan siin doonaa daroogada intii uu muhiimad siin lahaa waxaad u baahantihiin.

Si uu uhelo waxyaabaha maanka dooriyo ee uu isticmaalo xittaa deyn ayuu lacag ku qaadanayaa.

  1. Waxaad baraneysaa cafis

Qofka daroogada isticmaala waa mid had iyo jeer sameeya qaldaad iyo go’aanno aanan wanaagsaneyn oo dhibaato leh.

Waa kuwo mar kasta oo ay qaladaad sameeyaan ku raalli gelinaya, haddii aad si dhab ah u jeceshahay qofkaas, waa inaad barataa cafiska iyo sida wax la iskaga hilmaamo.

  1. Waligaa ma noqoneysid mudnaantiisa koowaad

Qofka isticmaala daroogada waa mid mar kasta ku mashquulsan maandooriyaashiisa isla markaana suurtagal maahan inuu kaa dhigo mudnaantiisa koowaad.

Si kasta oo aad u daryeesho una jeceshahay, waa kuwo mar kasta dadaal ku bixinaya inay ku qancaan daroogadooda.

Xittaa waqti badan kulama qaadanayaan oo qarashkoodana kuma maalgelinayaan xiriirka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button