TEKNOLOJIYADA

Diyaarad rakaabku ay ka raacayaan baalasha oo la soo saarayo (Daawo Sawirrada)

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in ay hawada soo gasho diyaarad nooceeda aan hore loogu arag caalamka taasoo kuraasta rakaabka iyo matoorada diyaaradaba ay baalasha diyaarada ku yaalaan.

Shirkadda diyaaradaha ee KLM ee dalka Holland ayaa bilowday inay maalgeliso diyaaradan oo qaabkeedu uu yahay V.

Diyaaradan ayaa waxaa fikirkeeda lahaa Justus Benad oo ah arday wax ka barta Jaamacada farsamada ee magaalada Berlin waxaana horumariyay cilmi baare ka howlgala Jaamacada Delf ee dalka Holland.

Diyaaradan ayaa la sheegay in ay isticmaali doonto boqolkiiba labaatan inkayar shidaalka ay isitcimaalaan diyaaradaha haatan jira caalamka iyadoo ay raaci doonaan rakaab gaaraya 314 ruux.

Dhamaadka sanadkan ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo soo bandhigo diyaaradan inkastoo wararku ay sheegayaan in ay sanado qaadanayso sidii ay si rasmi ah hawada ugu duuli lahayd diyaaradan cusub ee qaabka V oo kale ah.

Related Articles

Back to top button