XIRIIRKA IYO GUURKA

Sababta Haweenku U Jecelyihiin Ragga Isku Kalsoon

Mid kamid ah tayooyinka ay haweenku ka eegaan ragga ayaa ah kalsoonida.
Waa kuwaan 4 sabab oo haweenku u jecelyihiin ragga.
  1. Ninka isku kalsoon ma maseyr badna
Ninka isku kalsoon ma maseerayo marka rag kale ay rabitaan kuu muujiyaan. Iyadoo taas ay jirto ayuu iska indha tirayaa sababtoo ah waa kugu kalsoonyahay wuxuuna ogyahay inaadan qiyaaneyn maxaa yeelay waad jeceshahay.
  1. Wuxuu qaadaa dhammaan masuuliyadda ficilladiisa
Ragga isku kalsoon waa kuwo qaata masuuliyadda ficilladooda. Dusha kama saaraan qaladaadkooda dad kale.
Waxa haddii ay xun yihiin iyo haddii ay wanaagsanyihiin waa dad og inay tahay masuuliyaddooda, waana fursad ay ku waxbartaan.
  1. Kaama beerdareeyo waqtigaaga
Waa hore usocod wuuna iska ilaalin doonaa inuu kugu ciyaaro isla markaana waqtiga kaa lumiyo. Kama cabsan doono inuu wax ka qabto dhibaatooyinka  guurka ama xiriirka heysto, taasoo uu ku kasbanayo ixtiraam.
  1. Waa kuwo dadaal badan
Ragga isku kalsoon waa kuwo og waxay uga baahanyihiin nolosha mana ka cabsadaan inay ka dhabeeyaan riyooyinkooda.
Waxay sameystaan yoolal ay ogyihiin inay ku guuleysan karaan iyagoona si adag uga shaqeeyan sidii ay uga guul gaari lahaayeen.

Related Articles

Back to top button