5 Waxyaabood Oo Gabar Kasta Ay Ka Fileyso Ninkeeda

Si xiriir kasta ama guur kasta u shaqeeyo, waxaa jiraan waxyaabo muhiim ah oo u baahan in lagu qanacsanyahay.

Haweeneyda waxay u baahantahay in ninka ay jeceshahay uu la kulmo waxyaabaha ay ka filaneyso.

Waa kuwaan shanta waxyaabood ee ugu muhiimsan oo ay haweeney kasta ka filaneyso ninkeeda.

  1. Waxay rabtaa inay ogaato in la jecelyahay

Waxa kaliya ee ay rabto ayaa ah in ninkeedu ku yiraahdo “waanku jeclahay” maalin kasta balse waxay dooneysaa in ficilkiisa iyo hadalkiisa isyeeshaan.

Ficillada kama dhigna inaad u iibiso hadiyado qaali ah ama aad u waddo meelo qaali ah.

Haweeneyda waxgaradka ah waa mid dooneysa in ninkeeda uu qato gacanteeda marka ay isla socdaan, iyo in intabadan si diiran laabta loo geliyo.

  1. Faham iyo cafis

Cillad la’aan ma noqon karto hadaba waxay sameyn doontaa qaladaad. Waxa dhan oo ay rabto inaad sameyso ayaa ah inaad fahamto oo aad cafiso.

Micno weyn ayay ugu fadhisaa markaad u cafiso qaladaadkeeda isla markaana aad iska iloowdo.

  1. Rabitaan

Sidee ayay dareemi lahayd markaadan waligaa tusin astaamo rabitaan, iyadoo ragga kale ay jeclaan lahaayeen inay helaan?

Qiimeey dadaalkeeda oo tusi inaad nasiib badantahay inaad hesho.

  1. Waxay leedahay riyooyin, ku dhiiri geli

Waxay leedahay hadafyo iyo hammi oo ay dooneyso inay la kulanto, sidaa darteed waxay kaaga baahantahay inaad ku dhiiri geliso.

Sii gacan caawinaad ah. Haku xadeyn inay daryeesho caruurta kaliya halkaas oo riyooyinkeeda ay ku dhaafayaan.

  1. Waxay rabtaa inaad ka dhigto mudnaantaada

Waxay kaa fileysaa inay noqoto mudnaanta noloshaada; waxay rabtaa in ninkeeda uu qiimeeyo waqti kasta oo noloshiisa kamid ah.

Haweeneyda waa mid kalsooni buuxda ku qabta ninka ula dhaqma sidii boqorad oo kale maanta, berri iyo waligeed.

Related Articles

One Comment

Back to top button