Home XIRIIRKA IYO GUURKA 3 Waxyaabood Waa Inay Dhacaan Kahor Intaadan Xiriir Dhab Ah La Yeelan...

3 Waxyaabood Waa Inay Dhacaan Kahor Intaadan Xiriir Dhab Ah La Yeelan Ninka

0

Kahor intaadan xiriir lugaha la gelin, waa inaad mar kasta isha ku heysaa ninka aad lamaane ka dhiganeyso.

Ragga badankood waa kuwo iska dhiga kuwo wanaagsan billaawga xiriirka iyagoo waqti yar kadib isbedela.

Qofna ma doonayo inuu galo xiriir guul dareysanaya.

Waa kuwaan 3 waxyaabood oo ay tahay inay dhacaan kahor intaadan xiriir nin la yeelan.

  1. Xaqiiji inaad ku kalsoontahay

Kalsoonida waa mid kamid ah mansabyada xiriirk guuleysta. Kalsooni la’aan xiriirkaas nabad kuma dhisnaayo maadaama muranka iyo dagaallada aysan ka dhammaaneyn.

Marnaba ha galin xiriir haddii aadan si buuxda ugu kalsooneyn ninka. Inaad xiriir la yeelato ama aad guursato nin aadan ku kalsooneyn waxa kaliya ee ay keeneyso ayaa ah furriin muddo yar kadib.

  1. La-kulan saaxiibadiis

Hubi inaad la kulanto saaxiibadiis kahor intaadan xiriir la yeelan ama aadan guursan. Saaxiibadiis wax mar kasta kaa caawin doonaan inaad isaga si wanaafgsan u barato.

Haddii uu iska ilaaliyo mowduucaan ama uu diido inuu ku baro saaxiibadiis, tani waa calaamad digniin ah oo muujineysa inay jiraan waxyaabo uu kaa qarinayo.

  1. Si furan ula xiriir

Isgaadhsiintu waa mid kamida astaamaha xiriirka caafimaad qabka ah. Hubi in fekerkaaga aad lamaanahaaga ugu muujin karto si furan.

Arrintaan waxay kaa caawin doonta inaad si fudud ku xalliso dhibaatooyinka iyo muranka mustaqbalka soo shaac bixi kara.

Previous articleAfar Calaamadood Oo Aad Ku Ogaaneyso Haddii Ninka Uu Yahay Mid U Qalma Inaad Guursato
Next articleJacaylkii uu kala geeyay dagaalkii Labaad ee Adduunka oo 75 sano ka dib si cajiib ah isku helay