UGAAR AH LAMAANAYAASHA: 3 Arrimood Oo Haddii Aad Sameysaan Bad Baadin Doona Guurkiina

Waxaan aragnay guurar qurux badan oo aan ku faraxno, waxaan sidoo kale aragnaa kuwo aad u fool xumo badan oo aan rajeyno in sideey yihiin uusan guurkeena noqon.

Tusaale ahaan, haddii aad go’aansato inaad daacad noqoto isla markaana aad bilaawdo isticmaalka caadooyinkaan fudud ee sariirta, guurkaaga wuxuu geli doonaa heer kale.

  1. Isku waqti seexda

Waxaad aragtay lamaane iska ilaalinaya inay isku waqti seexdaan sababtoo ah waxay iska ilaalinayaan ayaa ah raaxada.

Raaxada waxay aad iskugu soo dhoweysaa lamaanaha. Xittaa marka ay dagaalamaan kadib, markaad isla raaxeysataan lamaanahaaga, xiisadda oo dhan ayaa meesha ka bexeysa jacaylkana dib ayuu u iftiimayaaoo shucmiciisa ayaa daarmaya.

Si aad ah iskugu day in adiga iyo lamaanahaaga aad isku waqti seexataan.

  1. Taleefan maya

Hadal dhab ah, maanta oo dhan ayaad Instagram-ka kala soctay waxa cusub. Maxaad taleefan ugu baahantahay sariirta?

Ogoloow in sariirtaada ay noqoto goob idiin gaar ah labadiina aad ku raaxeysataan isla markaana aad ku nasataan. Ma ahan goob internet.

  1. Sii lamaanahaaga shumis ah habeen wanaagsan

Dabcan maalin kasta maahan mar aad wada raaxeysaneysaan. Balse dhib malahan sida aad u daalantahay, ugu yaraan sii lamaanahaaga shumis habeen wanaagsan ah kahor intaadan hurdin.

  1. Dheh waanku jeclahay

Waa ficil fudud balse aad u awood badan waa mid isbedel ku sameyn kara guurkaaga. Waxay xasuusineysaa lamaanahaaga inaad jeceshahay, waana qaab wanaagsan oo aad jacayl ugu muujin karto.

Related Articles

Back to top button