XIRIIRKA IYO GUURKA

Aqriso Calaamadaha Lagu Garto Ninka Doonaya Kaliya Inuu Kugu Dan Gaaro

Marka laga hadlayo xiriirka, qofka waxaa laga yaabaa inuu la kulmo qof ujeedooyin ka duwan leh.

Waxaa jiraan kuwo raadinaya xiriir dhab ah oo muddo dheer ah, halka kuwo kale ay rabaan daneysi iyo xiriir muddo gaaban ah.

Ka hadlidda daneysiga, ogaanshaha nin raba inuu kugu dan gaaro way adkaan kartaa balse waxbadan haka walwalin, waxaa jiraan calaamado lagu yaqaan ninka raba inuu kugu dan gaaro.

  1. Wuxuu iska ilaaliyaa wadahadal dhab ah

Ragga raba inay haweenka dantooda ka gaaraan marnaba qorshaha uguma jiraan wadahadal dhab ah.

Sababta ayaa ah inaysan diyaar u ahayn xiriir muddo dheer ama dhab ah oo ay kula yeeshaan. Waxay doonayaan oo kaliya xiriir muddo gaaban ah iyagoo kadib raadiya haween kale.

  1. Qarsoodi

Marka nin uu door bido inuu ku qarsado, taasi waxay caddeyn u tahay inuusan rabin in banaanka lagugula arko.

Ficilka noocaan ah ayaa inta badan lagu arkaa ragga raba inay kaa dan gaaraan kaliya.

Ragga raba inay kaa dan gaaraan ayaa ah kuwo mar kasta iska ilaali doona in gabadha markaas ay rabaan inay ka dan gaaraan lagula arko banaanka iyagoo la socda.

  1. Ilaalinta taleefanka

Ninka mar kasta ilaaliya taleefankiisa wuxuu caddeeyaa inuusan daacad ahayn. Sidaa darteed wuxuu kuu caddeeyaa inaadan ahayn gabadha kaliya ee xiriirka uu la leeyahay balse aad tahay mid kamid ah haweenka uu xiriirka la leeyahay.

Related Articles

Back to top button