Editor's PicksXIRIIRKA IYO GUURKA

6 Waxyaabood Oo Ay Tahay Inaadan Ugu Dulqaadan Lamaanahaaga

Waxaan idiin soo gudbineynaa 6 waxyaabood oo ay tahay inaadan marnaba ugu dulqaadan lamaanahaaga.

1. Lamaane aanan kugu taageerin riyooyinkaaga

Haddii aad rabtid guur guuleysta, waa inaadan u dul qaadan lamaanahaaga inuu ka maseero guushaada isla markaana aanan kugu taageerin yoolkaaga, lamaanaha wanaagsan waxa uu kugu dhiiri galinayaa inaad ka guul gaartid riyooyinkaaga waana mid kugu caawiyana inaad gaartid.

2. Lamaane kuu isticmaala luuqad xun

Waa inaadan u dulqaadan lamaane kuu isticmaala luuqad xushmad darro ah, haddii aad dooneysid xiriir guuleysta.

Waa in lamaanahaaga uusan ku bahdilin, lamaane si dhab ah kuu xushmeeya kuuma isticmaalaayo luuqad xushmad darro ah.

3. Mudnaan la’aan

Waxaad mudantahay lamaane ku dareensiinaayo inaad boqorad tahay ama boqor haddii aad rabtid xiriir guuleysta.

Lamaanaha wanaagsan adiga ayay ku siisaa mudnaanta koowaad. Waligaa ha u dulqaadan in lamaanahaaga uu ku dareensiiya inaadan u qalmin in wax walba laga hormariyo.

4. Maqal la’aan

Waa inaadan u dulqaadan lamaane ku dareensiiya in fikirkaaga uusan micno lahayn. Haddii lamaanahaaga uu dhab kuu qiimeeyo isaga/iyada wuu ku dhageysanayaa, wuuna maqlayaa fikirkaaga haddii uusan kugu raacsaneyn iyo haddii uu kugu raacsanyahay.

5. Ilaalo badan

Ha u dulqaadan lamaane ilaalo badan, waa inaadan dareemin inaad xabsi ku jirtid marka aad xiriir la yeelatid, waa inaadan ka labalabeyn lamaane dooneysa inay ku ilaaliso waqti kasta oo kamid ah noloshaada.

6. Aamin darro

Is aaminaad waa qasab haddii aad rabtid xiriir guuleysta. Waa inaadan ka labalabeyn lamaane aanan la aamini Karin.

Related Articles

Back to top button