XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Waxyaabood Oo Aad Ku Ogaaneyso Haddii Ninka Uu Kulanka Sariirta Kaaga Helay

Soo jiidashada dhanka galmada waa u muhiim xiriir kasta. Haweenka badankood waxay rabi lahaayeen in galmo ahaan ay u raalli geliyaan ragga ay la kulmaan.

Sidaa darteed marka aad dooneyso inaad xaqiijiso haddii ninka uu galmo ahaan kaaga helay iyo haddii kale, la soco calaamadahan caanka ah.

  1. Wuxuu isha la raacaa qeybo kamid ah jirkaaga

Tani waa mid cad. Haddii ninka uu galmo ahaan kaa helay waxaad marar badan arki doontaa isagoo eegaya qeybo aanan habbooneyn oo kamid ah jirkaaga gaar ahaan naasaha iyo dibkaaga.

Haweenka qaarkood way ka helaan taas iyadoo kuwo kale ay u maleeyaan in ragga noocaas ah ay u baahanyihiin inay dhadhamiyaan waxa jirkoodu leeyihiin.

  1. Aad ayuu kuugu soo dhowaadaa

Calaamad kale oo caan ah oo lagu ogaado marka ninku galmo ahaan kaa helay ayaa ah marka uusan ka ag fogaan Karin jirkaaga mar kasta oo aad isla joogtaan.

Caadiyan, ninka ayaa yimaada meel aad kuugu dhow marka uu qabo dareen galmo oo kugu wajahan.

Taas bedelkeeda, ninku haddii uusan qabin dareen galmo oo kugu wajahan ama uusan kaa helin wuu kaa fogaanayaa si uu kuu tuso inuusan wax dan ah kaa lahayn.

  1. Taabasho aan habooneyn

Galmo ahaan ayuu kaaga helay haddii uusan gacmihiisa ka ilaali Karin meelo kamid ah qeybaha aanan habbooneyn ee jirkaaga.

Waxyaabo kale oo dheeraad ah oo loo baahanyahay ma jiraan sababtoo ah waa kuwaan waxyaabaha ugu muhiimsan haddii uu ninku kaaga helay galmo ahaan.

Related Articles

Back to top button