XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Waxyaabood Waa In Gacaliyahaagu Marna Uusan Kugu Sameyn

Shabakadda Aayaha, waxay idiin soo gudbineysaa liiska waxyaabaha ay tahay in ninkaagu uusan marnaba kugu sameyn.

Hoos ka aqriso.

  1. Waa inuusan wax ka sheegin muuqaalkaaga

Waa inuusan ku xad gudbin muuqaalkaaga. Sida waadku qurxoonaan lahayd timo dhaadheer… soo jiidasho ayaad yeelan lahayd haddii aad Makeup yar isticmaasho iyo wixii lamid ah.

Ninka wanaagsan marnaba kuma xad gudbi doono muuqaalka iyo sidaa u taallo ama kuguma sameyn doono wax dhaawaca kalsoonida aad ku qabto naftaada iyo jirkaaga.

  1. Waa inuusan marna galin wax ku saabsan sirtaada

Xiriirka caafimaad qabka ah, waa inaan wax la iska qarin. Farriimaha, wicitaanada iyo wixii lamid ah balse taas micnaheedu maahan in ninkaagu xaq u leeyahay  uu si qarsoodi ah u baaro haddii ay dhacdo inaad taleefankaaga agtiisa uga tagto ama Kombiyuutarkaaga oo furan. Ma tihid canuggiisa.

  1. Waa inuusan marna ku niyad jabin

Waa inuu mar kasta diyaar u noqdaa inuu ku dhiiri geliyo isla markaana ku garab istaago dhib malahan si kasta oo ay xaaladdu tahay.

Kaasi waa nin caqli wanaagsan leh. Haddii uu ku niyad jabiyo kadib kalsooni malahan wuxuuna doonayaa inuu hoos kuu dhigo isla markaana uu ku dhaawaco.

  1. Waa inuusan kugu xad gudbin

Waa inuusan xadkiisa ka tallaabin maranaba. Marka ay dhacdo in ninka uu kuu gacan qaado, waa mid aad u xun, ma ahan jir ahaan kaliya balse sidoo kale maskax ahaan taasi waa xadgudub aad u xun.

Ninku waa inuu ku ilaaliyaa isla markaana ku jeclaadaa. Waxaad mudantahay in si wanaagsan laguula dhaqmo.

Related Articles

Back to top button