XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Calaamadood Oo Lagu Garto Marka Xaaskaaga Ay Gabi Ahaanba Ku Nacdo

Waxaa la ogyahay in dumarka ay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee muujiya dareenkooda isla mar ahaantaana sidoo kale way ku wanaagsanyihiin inay qariyaan dareenkooda.

Haddii aad ogaato mid kamid ah astaamahan kadib ogoow inay ku dhibsatay oo ay ku nacday.

  1. Waxay iska ilaalisaa wadasheekeysi dhab ah

Marka uu afkeeda caado ka dhigto “ ma rabo inaan ka hadlo waxaas” way ku dhibsatay. Haweeneydu kama hadli doonto waxyaabaha guurka quseeyo haddii ay goor hore dhibsatay guurka ama adiga.

Marka aysan wax waqti ah u sameynin wadasheekeysi dhab ah, waxay ka dhigantahay in guurku uusan wax micno ah ulahayn isla markaana ay nacday.

  1. Raaxeysi ma jiro

Haddii aad taabato ama aad isla socotaan. Mar kasta waxay rabtaa waqti kaligeed ah iyadoo waxyabaaha lamidka ah galmada ay noqonayaan mar kasta inaad adigu tallabada qaado.

Haka walwalin waxa socda sababtoo ah runta ayaa ah inay ku dhibsatay ama ku nacday.

  1. Way dhaleeceysaa wax kasta oo aad sameyso

Haddii ay noqoto mid dhib badan isla markaana wax qiimo aanan lahayn ay kasoo qaado wax kasta oo aad sameyso dhib malahan sida ay waxaas u fiicanyihiin, way ku nacday. Waa calaamad run ah oo xaqiijineysa inay dooneyso inaad nolosha uga baxdo.

  1. Waxay ka hadashaa nin kale

Xaaskaaga oo ka hadleysa nin kale saas uma xuma. Si kastaba, marka wax kasta oo ay sameyso ay noqdaan inay u mahad naqdo ama amaanto nin kale hadda iyo kadib, waa inaad ka walwashaa.

  1. Kuma ixtiraamto

Ixtiraamku waa furaha guur kasta. Xaaskaaga waxay bilaawdaa inay u dhaqanto sida inaysan waxba ka gelin sidaa dareemeyso. Run ahaantii way ku nacday.

Waxay guriga ka tagtaa saacadaha xun ee habeenkii mana ka walwasho sharaaxad meesha ay ka timid; way isku dhammaatay.

Ka nin ahaan, la soco calaamadahan oo bilaaw inaad dib u hagaajiso guurkaaga.

Related Articles

Back to top button