XIRIIRKA IYO GUURKA

Sida Xaaskaaga Looga Dhigo Mid Si Weyn Kuu Jecel (Raggu Waa Inay AKhriyaan)

Sanado kadib guurka, jacaylka wuxuu noqdaa mid yaraada ama hoos u dhaca gaar ahaan haddii aysan jirin waayo aragnimo cusub oo xiiso leh.

Nin ahaan, waxaa jiraan qabab aad dib ugu iftiimin karto jacaylka guurkaaga.

Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa 3 qaabood oo la xaqiijiyay oo aad xaaskaaga uga dhigeyso mid si qoto dheer kuu jeclaata;

  1. Noqo ninka ay raadineysay

Nolosha guurka marna ma fududa maadaama ay jiraan caqabado ay lamaanayaashu la kulmaan. Caqabadahaas iyo carqaladahaas waa kuwo keena farxad iyo raaxo la’aan.

Nin ahaan, mar kasta waxaad noqon kartaa tiirarka ay xaaskaaga ku tiirsantahay mar kasta oo ay wax ka xumaadaan guurka am aka qaldamaan.

Noqo nin ka caawiya culeysyada iyo caqabadaha soo wajaha, noqo mid ay isku halleyso mar kasta oo ay u baahantahay caawin.

Haddii ay dhibaatooyin soo waahaan guurka, sidii nin rag ah u wajah oo dhexda u xiro.

  1. Bedel ciyaartaada sariirta

Ma tahay nin shaqada si xun u qabta maanta si lamid ah sida aad u sameysay shalay iyo sanadkii lasoo dhaafay?

Farxadda xaaskaaga darteed, waxaad u baahantahay inaad sare u qaado xirfadahaaga sariirta.

Sii farxada ugu badan ee ay u qalanto. Ka dhig mid qanacsan ugu yaraan mar kasta oo aan go’aansato inaad sariirta kula kulanto.

Way necebtahay in waxaad sameyneyso ay noqdaan inaad ku dul ciyaarto intii aad siin lahayd farxad saafi ah.

  1. Marar badan ka yaabi

Haweenku way jecelyihiin waxyaabaha aysan filaneyn, tani ulama jeedo inaad u keento waxyaabo qaali ah, haddii aad leedahay caruur, maxay tahay sababta aadan u kicineyn maalmaha qaar isla markaana aadan ugu diyaarineyn iskuulka ama dugsiga.

Muddo dheer ayay howshaas kaligeed qabaneysay, inay aragto maalmaha qaar adigoo shaqadaas qabanaya way ku farxeysaa.

Haddii aysan guriga joogin maxaa kuu diidaya inaad jikada gasho oo cashada aad sameyso isla markaana aadan u diyaarin sidaa darteed way imaaneysaa wayna cuneysaa aad ayayna ugu farxeysaa taas.

Waxyaabahaas yar yar ayaa ah kuwo micno weyn ugu fadhiya haweenka.

Related Articles

Back to top button