XIRIIRKA IYO GUURKA

Siyaabaha Loola Dhaqmo Nin Aanan Lahayn Kalgacayl

Dumarka ayaa si fudud u caajisaan marka ragga saaxiibadood ah aysan kalgacayl lahayn ama yihiin kuwo aanan jacaylka waxba ka aqoon.

Xiriirada badankood waa kuwo u burbura sababo la xiriira ragga oo ah kuwo aanan lahayn kalgacayl.

Si,kastaba, si aad xiriirkiina uga bad baadiso nin aanan jacayl lahayn, waa kuwaan siyaabaha loola dhaqmo ninka noocaas ah.

Ogoow qaababka uu umuujiyo jacaylka

Wuxuu noqon karaa nooca ragga aanan ku wanaagsaneyn jacaylka balse wuxuu jacaylka ku muujin karaa qaabab yar yar, waxana loo baahanyahay inaad marka hore fahamto qaababkaas.

Markaad ogaato siyaabaha yar yar ee uu jacaylka kuugu muujiyo kadib waxaad bilaabi kartaa inaad qiimeyso oo aad xushmad ugu muujiso intaas yartaa.

Markaad qiimeyso arag wuxuu sameyn doonaa ama jacaylka kuugu muujin doonaa sidaas si kasii badan.

Inaad qiimeyso siyaabaha yar yar ee uu jacaylku u muujiyo waxay keeneysaa inuu halkaas garasho weyn ka helo isla markaana uu ogaado qiimaha ay gabadha ugu fadhiso in kalgacayl loo muujiyo.

Kala xidhiidh

Haddii aad dareento inuu yahay nin aanan jacaylka ugu wanaagsaneyn sidii aad ka fileysay. Waxaa mar kasta wanaagsan inaad kala hadasho.

Markaad u sheegto inuusan jacaylka ku wanaagsaneyn, wuxuu isku dayi karaa inuu isbedel sameeyo isla markaana sidii hore si ka wanaagsan uu kuugula dhaqmo isla markaana kalgacayl kuu muujiyo.

Related Articles

Back to top button