XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Sheey Oo Raggu Sameeyaan Si Ay Kalsooni Ugaliyaan Xaasaskooda

Ma jiro dareen ka wanaagsan inaad ku jirto xiriir kaasoo ninkaagu ku dareensiiyo kalsooni iyo isku halleyn.

Tani waa wax ay adagtahay ama yartahay in laga helo xiriirada badankood. Badanaa ragga wax fikrad ah kama qabaan sida ay muhiim u tahay in haweenkooda ay ka dhigaan kuwo ku kalsooni qaba xiriirka.

Waxaad hoos ka akhrisan kartaa qaar kamid ah waxyaabaha raggu sameeyaan si haweenkooda ay uga dhigaan kuwo ku kalsooni qaba xiriirka.

  1. Wuxuu kugu dhiiri geliyaa inaad aad u wanaagsanaato

Marka haweeney ay hesho nin maalinba maalinta ka dambeyso ka dhiga qof wanaagsan, caadiyan way u mahad celisaa.

Haweenka inay helaan nin mar kasta ilaaliya noloshooda oo laabta ku haaya caadiyan waxay ka dhigtaa kuwo ku kalsooni qaba xiriirka isla markaana aanan marnaba dareemin in ninkaas uu dhaawac gaarsii doono.

  1. Fur furnaan

Xiriirka caafimaad qabka ah waa kan lamaanayaasha ay u suurtagasho inay isku fur furnaadaan. Inay labada lamaane isku fur furnaadaan waxay keentaa in gabadhu ay kugu kalsoonaato isla markaana marnaba aysan dareemin inaad dhaawaceyso.

  1. Garab

In labada lamaane ay garab isku noqdaan waxay keentaa farxad iyo kalsooni xad dhaaf ah. Marka lamaanayaasha xiriirka leh ay is gacan qabtaan waxaa u suurtagasha inay xoojiyaan kalsoonida ay isku qabaan isla markaana ay iskaga mahad celiyaan isla joogitaankooda.

Tan ugu muhiimsan ayaa ah, marka haweeneyda ay heysato lamaanaheeda oo garab taagan inta ay ku guda jirto waqtiyada adag ayaa ka dhigta mid ku kalsoonta seygeeda.

Back to top button