XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Siyaabood Oo Lagu Helo Ninka Riyadaada Ah

Gabar kasta waxay u baahantahay inay hesho nin wanaagsan oo ah riyada haweeney kasta. Si, kastaba Fekerkaaga, dareenkaaga iyo ficilladaada ayaa abuura xaqiiqda xiriirkaaga.

Hoos ka aqriso 4 qaabood oo aad ku heli karto ninka riyadaada ah.

  1. Bogso

Kahor intaadan raadin ninka riyadaada ah, hubi inaad marka hore bogsato sababtoo ah haddii aadan bogsan, wali waxaad u gacan geli nin lamid ah kii hore ee dhibka kuusoo geystay.

  1. Noqo qof ay adagtahay in la helo

Mid kamid ah qaladaadka ugu xun ee haweenku ay sameeyaan marka ay raadiyaan jacayl ayaa ah inay muujiyaan baahi iyo rabitaan badan taasoo keenya inay faraqa u gelaan nin walba oo kahor yimaada.

Haddii aad dooneysid inaad hesho ninka riyadaada ah, fadlan noqo qof adag oo qiimo leh isla markaana ay adagtahay in la helo.

Haddii aad rabtid nin wanaagsan, waa inaad noqotaa qof ay adagtahay in la helo.

3: Hormari fekerkaaga ku aadan jacaylka

Tallaabo kale oo lagu soo jiito ninka riyadaada ah ayaa ah inaad hormariso fikirkaaga jacaylka. Waa inaad aamintaa jacaylka, aamin inaad u qalanto jacayl iyo inaad mudantahay helitaanka jacayl farxad leh.

Noocyada ragga aad soo jiidan doonto markaad ishoosesiiso ama kalsooni darro aad qabto ma ahan nooca ragga aad soo jiidan doonto markaad dareemeyso kalsooni.

Sameey wax walba oo ay kugu qaadato inaad dareento in naftaada ay wanaagsantahay si aad ula qabsato fikradaha wanaagsan ee ku saabsan jacaylka iyo xiriirka.

  1. Sharciga soo jiidashada had iyo jeer waa ficil

Haddii aad dareento inaan lagu jecleyn isla markaana aadan soo jiidasho lahayn waxaad soo jiidan doontaa aanan qiimo lahayn adigoo geli doona xaalad aad dareento inaan lagu rabin isla markaana aadan wax soo jiidasho ah lahayn.

Haddii aad jeceshahay naftaada isla markaana aad dareentid inaad wanaagsantahay, waxaad soo jiidan doontaa nin ku jecel isla markaana si wanaagsan kuula dhaqma.

Sharciga soo jiidashada ayaa ah ficil.

Related Articles

Back to top button