3 Waxyaabood Oo La Sameeyo Marka Nin Ama Haweeney Aad Kala Tagteen Ay Dib Kuugu Soo Laabato

Ma gashay marxalad qofaad hore u kala tagteen uu dib kuugu soo laabtay mar kale? maxaad sameysay ama aad sameyn kartaa haddii ay dhacdo in xaalad noocaas ah aad gasho?
Lamaaanahaagi hore wuxuu go’aansan karaa inuu dib kuugu soo laabto sababo badan darteed. Si kastaba, wax walba waxay ku xiran yihiin sida aad u xalliso xaaladda.
Hoos ka akhriso sida loo xakameeyo xaaladda haddii lamaanahaagi hore uu dib kuugu soo laabto.
- Iska indhatir iyada/isaga
Runta waala sheegay, waxaad leedahay awood aad kula hadasho qofkaad horey u kala tagteen ama aad iskaga indha tirto isaga/iyada.
Haddii aadan ku faraxsaneyn inaad la hadasho jacaylkaagi hore kadib sheeyga ugu wanaagsan ee la sameeyo ayaa ah inaad iska indhatirtid iyada/isaga.
Niyadda ha gelin in ficilladaada ay noqon karaan kuwo aanan wanaagsaneyn maadaama xaqiiqdu tahay inaad kala tagteen.
- Daacad u noqo naftaada
Haddii ay dhacdo in aragtidiisa ay kusoo xasuusineyso xanuun aad soo martay markaad kala tagteen, daacad u noqo naftaada oo weydiiso isaga/iyada inay kaa fogaato.
- Dhageyso waxa uu isaga/iyada ku leedahay
Arrin kale oo qofku sameyn karo marka ay dib ugu soo laabato gabar ama nin ay horey u kala tageen ayaa ah inuu dhageysto waxa uu leeyahay ama iyadu leedahay.
Haddii waxa uu isagu ama iyadu leedahay ay yihiin muhiim kadib waad go’aansan gartaa haddii ay noqoneysaan saaxiibo kaliya ama aad mar kale dib isku shukaansaneysaan.