ARIMAHA BULSHADA
DEG DEG: Bandhig Faneedkii Fanaanka Maxamed BK uu caawa ku qaban lahaa Nairobi oo la joojiyay

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in caawa la joojiyay bandhig faneed uu halkaasi ku qaban lahaa fanaanka Maxamed Siciid BK.
Ciidamada Booliiska Kenya ayaa joojiyay bandhig Faneedka uu Fanaanka BK ku qaban lahaa Nairobi kadib markii laga baqay in foowdo ay ka dhacdo.
War kasoo baxay booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in bandhig faneedka uu ku lug lahaa arrimo siyaasadeed isla markaana uu halis ku ahaa ammaanka dalka Kenya.
Bandhig Faneedka caawa la qorsheeyay inuu Fanaanka BK ku qabto Nairobi ayuu ugu dabaal degi lahaa markii jamhuuriyada iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Somalia inteeda kale.