CAAFIMAADKA

Faa’idooyinka Caafimaad Ee Cananaasku Leeyahay & Cudurrada Halista Ah Ee Uu Ka Hortago

Cananaaska wuxuu leeyahay dhahdhan macaan waxana ka buuxa Fitamiinada A iyo C, fiber, potassium, phosphorus and calcium oo dhammaantood muhiim u ah caafimaadka.

Waa kuwaan faa’idooyinka caafimaad ee Cananaasku leeyahay.

Cananaaska ayaa dadka ka ilaaliya noocyo kala duwan oo kamid ah cudurka Kansarka ee halista ah.

Qudaartan waxaa ku jira maadada “antioxidants” oo jirka ka ilaalisa haaraaha ama xuubka iyadoo sidoo kale kahortagta dhaawac ku yimaada unugyada.

Cananaaska ayaa sidoo kale kahortaga cudurrada, wadno xanuunka, Kolestaroolka, jilbo xanuunka ama kalagoysyo xanuunka iyo caabuqa.

Waxaa laga helaa Fitamiinada C iyo bromelain, iyo maado lagu magacaabo enzyme oo burburisa burutiinada kana hortagta jeermiska microbial.

Cananaaska ayaa waxa uu si wanaagsan kaaga daaweyn doonaa qaboowga iyo qufaca.

Cananaaska waxaa ku jirta maado xoojisa lafaha iyo unugyada oo isku xiran. Hal galaas oo cabitaanka Cananaaska ah ayaa maalintii aad ka heleysaa 73% Manganese oo ah macdan aad u baahantahay.

Waxyaabaha faa’idada ah ee aad ka heleyso cabitaanka Cananaaska ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inuu ilaaliyo araga, maadada beta carotene eek u jirta Cananaaska ayaa muhiim u ah caafimaadka indhaha, waxaadna qaadan kartaa maalin waliba.

Wuxuu u wanaagsanyahay wadnahaaga. Maadada,Antioxidants eek u jirta qudaartaan ayaa kahortagta  waxyaabaha loo yaqaan “free radicals” ee dhaawaca jirka isla markaana kor uqaada halista cudurka Kolestaroolka.

Qaadashada qudaartan maalin walba ayaa wadnaha ka ilaalisa cudurro badan oo halis ah.

Wuxuu hormariyaa dheefshiidka. Fitamin C-ga iyo maadada Fiber-ka ee ka buuxda ayaa si wanaagsan u saameyn doona isku dheeli tirnaanta jirka.

Cananaaska wuxuu caawiyaa dadka qaba Dhiig Karka. Haddii aad qabto dhiig kar, Cananaaska qeyb haka noqdo cuntadaada, Cananaaska wuxuu hoos u dhigayaa cadaadiska dhiigga sababtoo ah qudaartan waxaa ku badan maadada potassium iyo waxyar oo ah maadada sodium.

Hadaba, Cananaaska wuxuu kaa caawinayaa in cadaadiska dhiigaagaa uu ahaado mid caadi ah.

Wuxuu sidoo kale si sahlan u xakameeyaa Finanka taasoo ay sabab u tahay Fitamin C-ga ku buuxo Cananaaska.

Qudaartan ayaa sidoo kale la dagaalanta cudurada jidhka ku dhaca, waxay hoos u dhigtaa gaduudashada jidhka iyadoo jidhka ka caawisa inuu ahaado mid nadiif ah una muuqda mid dhallinyar.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid