XIRIIRKA IYO GUURKA

Qaababka Lagu Ogaado In Ninka Uusan Daacad Kuu Ahayn (Lambarka Koowaad Waa Xaqiiq)

Daacadnimo la’aan waa mid kamid ah sababaha ugu waaweyn ee dadka ay ugu kala tagaan xiriirka.

Iska ilaali ficilka qiyaanada ah, inaadan daacad u noqon lamaanahaaga waxay keeneysaa in xiriirka uu si xun ku dhammaado iyo qaab fool xun.

Intabadan ragga ayaa ah kuwa lala xiriiriyay ficillada daacadnimo la’aanta.

Hoos ka akhri sida aad ku ogaan karto haddii ninka uusan daacad kuu ahayn.

  1. Ficilka iyo waxa uu yiraahdo isma lahan

Way fududahay inaad aqoonsato nin aanan daacad ahayn adigoo qiimeynaya waxa uu kuu sheego iyo waxa uu sameeyo inay isleeyihiin.

Tusaale ahaan, nin ayaa kuu sheegi kara inuu yahay nin howlkar ah oo dadaal badan balse dhab ahaan waa kan dadka ugu caajiska badan.

  1. Ma caddeeyo waxaad u tahay

Haddii aad shukaansaneysay nin muddo dheer, waa inuu la yimaadaa caddeymo tilmaamaya waxaad u tahay iyo qiimaha aad ugu fadhiso.

Haddii ay dhacdo inuu ismeer meeriyo isla markaana iska ilaaliyo marka aad weydiiso inuu caddeeyo waxaad u tahay kadib ogoow inuusan daacad kuu ahayn.

  1. Waxaad aragtay isagoo been u sheegaya dad kale

Run ahaantii micnaha maahan inuu adiga toos kuugu sheego been si aad u ogaato haddii uusan daacad kuu ahayn  ninka iyo haddii kale.

Qaab kale oo aad ku ogaaneyso haddii uusan daacad kuu ahayn ayaa ah marka uu been u sheego dadka kale adigoo xaadir ah ama la joogo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid