XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Waxyaabood Oo Haddii Aad Sameyso Ninkaagu Aad Kuu Jeclaanayo

Imisa haween ayaa og inay raggooda ka dhigi karaan kuwo aad u jecel?

Waxaa jiraan waxyaabo kala duwan oo haweenku sameeyaan iyo qaabab kala duwan oo ay u dhaqmaan oo raggooda ka dhigaya kuwo aad u jecel.

Akhriso 5 siyaabood oo aad ninkaaga uga caawin karo inuu aad kuu jeclaado

  1. Ku Dadaal inuu ku fahmo

Dadaal ku bixi inuu ku fahmo seygaaga; u baro ninkaaga sida aad u taqaan naftaada oo kale kadibna way sahlanaan doontaa inuu si wanaagsan kuu fahmo.

Marka ay taasi dhacdo, ninkaaga way u fududaan kartaa inuu si wanaagsan kuu jeclaado adna aad u jeclaato.

  1. Ha iska dhigin qof ay adagtahay in la fahmo

Haween badan ayaa iska dhiga kuwo ay adagtahay in la fahmo; waa cadaalad darro in ninkaaga aad ka filato inuu wax kasta oo kugu saabsan uu ogaado adigoo aanan dadaal sameyn.

Ha u qaadan inuu wax kasta ogaan karo ama fahmi karo sababtoo ah waa bini aadam. Iska dhig qof ay sahlantahay in la fahmo oo u sheeg dareenkaaga ninkaaga.

  1. Ha noqon qof ay adagtahay in laga farxiyo

Runta waala sheegay, qaar kamid ah haweenka way adagtahay in laga farxiyo. Markaad u ninkaaga u fududeyso inuu ku fahmo, way u sahlanaaneysaa inuu si wanaagsan kuu jeclaado. Sidoo kale uga mahad celi waxyaabaha uu kuu sameeyo, taas ayaa ah mida keeneysa in waxyaabihii uu kuu sameyn jiray kabadan uu kuu sameeyo.

  1. Sax balse haku qeylin

Qeylada waa arrin idin kala geeyneysa adiga iyo ninkaaga. Sax ninkaaga haddii uu qalad galo ama waxaad ka xuntahay uu sameeyo, u sheeg qaladka uu sameeyay balse haku qeylin.

  1. Sidoo kale u mahadceli

Sidaa aad qaladkii uu sameeyay uga saxday oo kale oo waa inaad uga mahadcelisaa markii uu wax wanaagsan sameeyo.

Markaa sidaas sameyso, ninkaaga wuxuu arkayaa wanaagaaga wuuna kugu jeclaanayaa.

Related Articles

Back to top button